Posts

Showing posts from 2016

Qabyaaladda Gaas la wada arag - Maanso

Image
Bismillah, Beryahan Internet-ka waxa qabsaday qoraallo lagu iftiiminayo heerkulka qabyaaladeed ee Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas. Maansadan baan ku eegaynaa waxa dadku leeyihiin. Wuxu yiri: Qabyaaladda Gaas la wada arag Dadkii eexda qoonsadoo nece Qorshihii Puntland qardheer saar Qiyaastuna way ka maqan tahay Qamuunyada Bari ma qarad la'a Sanaag qaybteedii may helin Qaboonaa Sool la iibsadey Ogow qawlkiisii beenoow Halkaa faataxo laguma qaban Qabiix hadal loo yidhaahdiyo Moogaha qawqawda maqashii Qisaa ka dambeysey maahmaah Ku qoodaysto maan qaraar lihi Qabiilayste aan isqarin karin Xilkii qaawiyoow qalloocaa Halkay qotontay u jeeddaa Waxaan qoynkaa u kaashaday Afeeftana iga qoraan odhan Qaraabada eed ma gaadhsiin Ninkii qurus cunay qudhgooyale Marbaa loo soo qallidayaa Qaryaac dooddiisa ma oggoli Quraacdaha lama akeekamo Beryaba dhaqankii qunnaan jirey Xishoodkii miyay ka qaadeen Sarriigshiinyo miyay ka qadiyeen Quruumo mamoo qamaam badan Miyay wax ku qaybsanaayaan ...

Gabay la magac baxay: Kor-hool (intaadan falin ka fiirso)

Image
Gabaygan waxa hal abuurku ku waanininayaa gabdhaha Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan ismarinta kiimikada 'iscaddayska' loo yaqaan ama 'doqon baa madow' lagu suuq geeyo. Waa hambalyadii ciidda barakaysan. Wuxu yiri: Madow sugula maarriin subkoon midabkii Soomaali Macbuudkay habluhuu muuqsan iyo muuno ugu deeqay Maxaa sumo lasoo milay, mariid mariyey jiidhkooda Dhiyaanadiyo maaddooyinkaa diirka madhinaaya Maqaarkay gubaanoo wejiga miridh u yeelaane Ur sillonoo lala miirmo iyo dhogor masaabbiira Jidhkoodii mullaaxda ekaa lagu masiibeeye Cadceedday ka maagaan geddii sow mar soo baxa'e 'Doqon baa madow' lagu khayaan gabadh milgoonayde Manfacada halkii lagu karshiyo dheriga meeshiisa Waa ka maadan meel kulul madbakha waa ka cararaane Dabka moolka lagu shidiyo huur waa mushkiladoode Mudanihii qabiyo ubadkiibay gaajo mirataaye Macaluule qoyskii kor hool miil ka sugayaaye Kuwaan weli la maan xadin haween Maaliggu hagaajey Ayaan miidda uga digi hablaha lagu ma...

Gabay: Guurku waa Nasiino iyo Wanaag

Image
 by Maxamuud Cabdalle 2016 Guurku waa nasiiniyo wanaag kuu naruura ahe Dumar taad ka naawili haddii calafku kuu nuursho Niyaddiinu tay wada jirtoo neeftu la heshiiso Sidii hal iyo nirigteed qalbigu waysu naaniyiyee Nafaxaadka hore iyo jacayl nolosha waw doore Kolkaad naadisee waalidkeed naasib uga doonto Nasabkay ka dhalatiyo kolkaad xidididka naamuusto Naamuunad wacaneey aroos aqal u naawayso Iyadoo naqshado iyo xariir naba hillaacaysa Nugta iyo durbaabjiyo ammaan lagu nuglaynaayo Nafleyda iyo hoollabida iyo sacab nabiixaaya Nawleeye maadhhiin kolkii lagu nawaaweeyo Sengeyaal nadoodira xarrago lagu nayaayiiro Niska hore habeenkii mashxarad nalalaw loo siiyo Iyadoo nalaad mooddidoo nuurka iyo luulka Neegneegsanaysaa rugtii lagu negeeyaaye Naadada iyo fiidkii waxay kugu nabnaataaba Neecaw udgooniyo kalgacal kugu nabaaddaaba Dhar nadiifa, dahabkii waxay noocyo xidhataaba Nafaqada gasiinkiyo nimcada waxad ka nuugtaaba Naxli laabta kaa naafiyiyo nuxus illowdaaba Nuxnuuxda sheekada wa...

Inqilaabkii dhicisoobey ee Turkiga ka dhacay Soomaalida waa ku kala aragti duwanayd.

Image
Tixdan ayay isdhaafsadeen maammulada tamarta daran ee Soomaaliya ka jira waa lixda maammul goboleed. Somaliland baa bilowdey waxay tiri: Tagoogo hadduu ka jabo Afgembi lagu tuuro oo Erdogan laga takhlusoo Dawladda taarkeedu go'o Cadowga aan uba tudhayn Yuhuudi hadday tagtoo Giriigguba taabo subax Maxaa naga galay turkiga Horuu noogu tacaddiyoo Aqoonsigii naga tiroo Midnimo baas nagu toloo Tabcuu Somaliland Tagoog jabe abid la rabey Muqdishuu toobtoobayaaye Maxaa naga galay Turkiga Puntland baa iyana tiri: Annagu tabantaabo iyo Tixgelin kama aannu helin Mashruucyadii tira badnaa Muqdishuu ku teedayoo Wixii maal tuunsanaa Wuxuu tacab keenay Xamar Tifiliq yari nooma iman Takoor Puntland ayuu Tagoog jabe abid la rabey Turkigu waxba nooma qaban Tol maahee boowayaal Tabaaladan soo wajahay Marnaba haw tiirinina Wanaag nama tarin waqii Jawaan nama taarannine Muqdishaa iyana tiri: Ar Turkigii yaa la galay Abowgeennaa la togay Soommaali walaal tunwayn Ayay tebeysaa mar dhow ...

Gabay “GEF-DIID”

Image
Maxamuud Axmed Cabdalla ayaa tiriyey gabaygan kale oo la magac baxay “GEF_DIID” gef-diid abwaanku wuxu u tiriyey laba arrimoodba: qolyo Internetka ku sheegay inuu abwaanku gaalo ku sheegay qabiilooyin dhan iyagoo khalad u tarjumaya tuducdan gabayga ka mid ahayd: Samsameey waxaa kugu gefey gaalo ehelkeede .” Taasoo macneheedu ahaa, in dadkii dhibka gabadha u geystey ay ahaayeen kuwa ku kacay fal ku lida diinta islaamka, sidoo kale abwaanku waa ka sii xanuunsaday waraysigii gabadha BBC-du la yeelatay. Haddaba, gabaygan ayaa iftiimin doona arrimahan gurracan, ugana digaya dadka soomaaliyeed inaan lagaga faa’iidaysan dhacdadan—loona beddelin reer-reer. Wuxu yiri: Dad muslina gef uma geysanoo gaalo kuma sheegin Oo anigu gabadh kama xumayn reera guurtiyahe Halkaan uga gol leeyahay murtida bay gol qabatayne Garaadxumaha iyo diradiriyo gucuroow yeelkaa dheh Nimankii garayskeeda jaray gaban yar oo xuura Ee weliba guuraha ku galay garangar say sheegtay Guxushaaga ubadka ...

Godankaa Hargaysaad Dhibkii Lagugu Gaadhsiiyey. (gabay laga tiriyey arintii Samsam)

Image
Ileen aadame waa aadamee gafkama dhamaado, laakiin dadka Islaamka ah Qaladka wuu iska saxaa iskana qabtaa gafka. waxaa layaab leh in Samsam ay wali u xirantahay Sixiroolihii iridiisa ka hor qabsaday. Hargeysana ay wali raali ka tahay arinta xanuunka lehee Islaamku u adkeysanwaayey"horaana loo yiri tuug iyo qariye isma dhaamaan". laakiin sidaa Samsam kuma aynan Qarsoomin. Saxaafadaha aduunkay subax walba boga hore kaga taalaa. Arinta Samsam Axmed Ducaale waxay noqotey arin Soomaali ku horrowsatay oo aan wali ka dhex dhicin, sidaa owgeed ayay dadkii fajac goobaha lagu kulmo oga sheekeeystaan, Hadaba waxaa gabaygaan tiriyey Abwaanka da'da yar ee Maxamuud Axmed Abdalla oo ku magacdheer Shiine. Gabaygan oo ah gabay tilmaamaya dulduleelada Maamulka Hargeysa una digayaa falka wuxuushnimada ay geysteen, wuxuu kaloo ka hadlayaa ka gaabsigii abtigeed uu ka gaabsaday arinkan. wuxuuna iftiiminayana qadiyada ayaanka daran ee samsam la daristey. Samsameey waxaa kugu gefey gaalo ehe...

Suugaan dhegeysi Part 1 - Part 9: Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle

Image
Halkan waxan idin kula wadaagayaa suugaan dhegeysi ah oo lagu duubay Golaha1960.com oo ah gole shacabka Soomaaliyeed lagu wacyi geliyo. Suugaantan sagaalka qaybood ee horreeya halkan ayaad si toosa uga dhegeysan kartaa. Suugaanta badi waa waddani, jacayl, waanin iyo hab dhismeedka bulshada Soomaaliyeed tixo ka hadlaya. Dhegeysi wanaagsan nagula wadaag facebook-gaaga, google-plus iyo twitter. Mahadsanid .