Gabay la magac baxay: Kor-hool (intaadan falin ka fiirso)

Gabaygan waxa hal abuurku ku waanininayaa gabdhaha Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan ismarinta kiimikada 'iscaddayska' loo yaqaan ama 'doqon baa madow' lagu suuq geeyo. Waa hambalyadii ciidda barakaysan.
Wuxu yiri:
Madow sugula maarriin subkoon midabkii Soomaali
Macbuudkay habluhuu muuqsan iyo muuno ugu deeqay
Maxaa sumo lasoo milay, mariid mariyey jiidhkooda
Dhiyaanadiyo maaddooyinkaa diirka madhinaaya
Maqaarkay gubaanoo wejiga miridh u yeelaane
Ur sillonoo lala miirmo iyo dhogor masaabbiira
Jidhkoodii mullaaxda ekaa lagu masiibeeye
Cadceedday ka maagaan geddii sow mar soo baxa'e
'Doqon baa madow' lagu khayaan gabadh milgoonayde
Manfacada halkii lagu karshiyo dheriga meeshiisa
Waa ka maadan meel kulul madbakha waa ka cararaane
Dabka moolka lagu shidiyo huur waa mushkiladoode
Mudanihii qabiyo ubadkiibay gaajo mirataaye
Macaluule qoyskii kor hool miil ka sugayaaye
Kuwaan weli la maan xadin haween Maaliggu hagaajey
Ayaan miidda uga digi hablaha lagu mahluukayne
Midhka waano iga hooya waad marin habowdeen dheh
Idinkaaba meesiga marley dumar u muuqdheer dheh
Adduunyada ma joogaan haween idiin metaal eeg dheh
Madaxtooyadii baa tihiin qurux mihiibkeed dheh
Xuuralcayn magooloo ifkeer Mawle ku abuuray
Nimco lagu mannaystaa tihiin loo miliilico dheh
Muraayadaha iska daawadoo dheehda midabkiin dheh

W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle

Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle