Qabyaaladda Gaas la wada arag - Maanso
Bismillah, Beryahan Internet-ka waxa qabsaday qoraallo lagu iftiiminayo heerkulka qabyaaladeed ee Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas. Maansadan baan ku eegaynaa waxa dadku leeyihiin.
Wuxu yiri:

Dadkii eexda qoonsadoo nece
Qorshihii Puntland qardheer saar
Qiyaastuna way ka maqan tahay
Qamuunyada Bari ma qarad la'a
Sanaag qaybteedii may helin
Qaboonaa Sool la iibsadey
Ogow qawlkiisii beenoow
Halkaa faataxo laguma qaban
Qabiix hadal loo yidhaahdiyo
Moogaha qawqawda maqashii
Qisaa ka dambeysey maahmaah
Ku qoodaysto maan qaraar lihi
Qabiilayste aan isqarin karin
Xilkii qaawiyoow qalloocaa
Halkay qotontay u jeeddaa
Waxaan qoynkaa u kaashaday
Afeeftana iga qoraan odhan
Qaraabada eed ma gaadhsiin
Ninkii qurus cunay qudhgooyale
Marbaa loo soo qallidayaa
Qaryaac dooddiisa ma oggoli
Quraacdaha lama akeekamo
Beryaba dhaqankii qunnaan jirey
Xishoodkii miyay ka qaadeen
Sarriigshiinyo miyay ka qadiyeen
Quruumo mamoo qamaam badan
Miyay wax ku qaybsanaayaan
Boolida qolqolkiisa ugu xidhan
Miyuu qalyan iyo xasarad iyo
Weliba qaylada ku sii dari
Kuwii xaqa laga qardoobiyey
Qafaafiil miyay ahaadeen
Qunyar u socod qoofal algu xidhay
Ku quustay wixii qaddar u tegey
Afeeftana iga qoraan odhan
Qaraabada eed ma gaadhsiin
Ninkii qurus cunay qudhgooyale
Marbaa loo soo qallidayaa
Qaryaac dooddiisa ma oggoli
Quraacdaha lama akeekamo
Beryaba dhaqankii qunnaan jirey
Xishoodkii miyay ka qaadeen
Sarriigshiinyo miyay ka qadiyeen
Quruumo mamoo qamaam badan
Miyay wax ku qaybsanaayaan
Boolida qolqolkiisa ugu xidhan
Miyuu qalyan iyo xasarad iyo
Weliba qaylada ku sii dari
Kuwii xaqa laga qardoobiyey
Qafaafiil miyay ahaadeen
Qunyar u socod qoofal algu xidhay
Ku quustay wixii qaddar u tegey
Qayaashmaashoow libaaxii
Dhurwaa qaybi yiri hilbaha subax
Ku qoonsaday qaybtii dabadeed
Qallacayoo hoor kasoo qubay
Deyooy yidhi adaa qorshayn kara
Kolkay tidhi qaabbil baan ahay
Waaxyaha qaradii hilbaha iyo
Gadoob tidhi waa qorkaagii
Falladhka qaayiban adayskale
Waxaan qanjidh iyo tun ka ahayn
Intii qubatada caloosha ah
Qayaashmaashoow adayskale
Oo uu qosol waaxay gawsaha
Waxay qisadii ka daba tidhi
Dugaag qaanacaad dardaarana
Qadhwaankii Cali IL qaariyey
Kolkaan deyey qawlallada weyn
Qummaati u shuufey sheekada
Raqdaa qalan qaammudkaa galay
Naftaan uga baqay qudhgooyada
Ee kuwiinneer qarada waaweyn
Haddaad ka qaddeen nasiibkiin
Hunguri qadhqadhaaya waa mawd
Wuxuu qoonsadaa ka sii daran
Dhurwaa qaybi yiri hilbaha subax
Ku qoonsaday qaybtii dabadeed
Qallacayoo hoor kasoo qubay
Deyooy yidhi adaa qorshayn kara
Kolkay tidhi qaabbil baan ahay
Waaxyaha qaradii hilbaha iyo
Gadoob tidhi waa qorkaagii
Falladhka qaayiban adayskale
Waxaan qanjidh iyo tun ka ahayn
Intii qubatada caloosha ah
Qayaashmaashoow adayskale
Oo uu qosol waaxay gawsaha
Waxay qisadii ka daba tidhi
Dugaag qaanacaad dardaarana
Qadhwaankii Cali IL qaariyey
Kolkaan deyey qawlallada weyn
Qummaati u shuufey sheekada
Raqdaa qalan qaammudkaa galay
Naftaan uga baqay qudhgooyada
Ee kuwiinneer qarada waaweyn
Haddaad ka qaddeen nasiibkiin
Hunguri qadhqadhaaya waa mawd
Wuxuu qoonsadaa ka sii daran
WT. Maxamuud Cabdalla
Email: mabdalle@gmail.com
Comments
Post a Comment