Gabay “GEF-DIID”


Maxamuud Axmed Cabdalla ayaa tiriyey gabaygan kale oo la magac baxay “GEF_DIID” gef-diid abwaanku wuxu u tiriyey laba arrimoodba: qolyo Internetka ku sheegay inuu abwaanku gaalo ku sheegay qabiilooyin dhan iyagoo khalad u tarjumaya tuducdan gabayga ka mid ahayd:Samsameey waxaa kugu gefey gaalo ehelkeede.” Taasoo macneheedu ahaa, in dadkii dhibka gabadha u geystey ay ahaayeen kuwa ku kacay fal ku lida diinta islaamka, sidoo kale abwaanku waa ka sii xanuunsaday waraysigii gabadha BBC-du la yeelatay. Haddaba, gabaygan ayaa iftiimin doona arrimahan gurracan, ugana digaya dadka soomaaliyeed inaan lagaga faa’iidaysan dhacdadan—loona beddelin reer-reer.







Wuxu yiri:

Dad muslina gef uma geysanoo gaalo kuma sheegin
Oo anigu gabadh kama xumayn reera guurtiyahe

Halkaan uga gol leeyahay murtida bay gol qabatayne

Garaadxumaha iyo diradiriyo gucuroow yeelkaa dheh



Nimankii garayskeeda jaray gaban yar oo xuura

Ee weliba guuraha ku galay garangar say sheegtay

Guxushaaga ubadka u gabbadee geyshashka u qaybshey

Guntii inanta boobtaan lahaa gamas u soofeeye



Gudban laga geeraariyo hadday noqotay guubaabo

Oo gaan shisheeye u tagtoo sheekadu is gaadhey

Oo loo guntaday xaajadaa gebagebaynteeda

Ninkuu gubayo hadalkaygu waa midan ka giigayne



Guryan iyo nacayb kama bogsado ruux la gaasiraye

Gu’yaal iyo guyaalbaan u diray gabayo xooggoode

Gobannimiyo sharaf baan intaa gebi u baaqaayey

Bal maxay gensanayaan kuwaa gami aqoon waayey



Dadku waw gudboonaa colaad loogu daw galaye

Geyigeenna soomaaliyeed geeri loo badaye

Garabkii dumaba waa kolley gacal walaala ahe

Bal maxay gensanayaan kuwaa gami aqoon waayey



Dad qofkii gabbaanadan illeyn waa iskaga goohe

Garawshiinyo iyo lagama helo gacan ku taageere

Godob laguma faanee caqligu garashadood diidye

Bal maxay gensanayaan kuwaa gami aqoon waayey



Afartaa godkaan degey haddaan gudub u weydaarsho



Goodkiyo abeeska u tashaday gebiba soomaali

Gadh wadeennadaa xabashigee gees walbaba jooga

Gujo inay ku sooraan naflaha waa gedduu baraye

Kala geeya mooyee midnimo kuma gar qaataane



Waxse waaba garabsiga qabiil lagu gabraartaaba

Shacabkii gawaan raaci jiray waa kan gees maraye

Gafanihiyo dulinkii cunay gocasho ooyaane

Inay wada gedood tahay nimaan garani waa liide



Gufaacooyin baa soo socdiyo qaran golayntiise

Shanta garab berray soo guntanoo gegi ku maanshayne

Gucumaalayaashiyo kuwaa gubaya hoygeenna

Waa laga gudaayaa dembiga gooray gaadhaba’ee



Gaashaan dhiggii qaranku wuu soo gadaal noqone

Geesiyaa u soo bixi mar dhow guusha calankiiye

Iyadoon bulshada lagu galdi’in qaladna loo geysan

Garoommada hargeysay markale soo gelbinayaane



Dhibkii xamar ku gaammuray marbaa laga gudbaayaaye

Gulufkaa kismaanyiyo qabsaday gediyo baardheere

Go’doon jawhar noqon mayso iyo gobolka hiiraane

Gu’ sooraa u di’i baydhabiyo godanka diinsoore



Gobol loo ciyaaraa beddeli guuldarradan jaane

Goblan inay ka bixi waan hubaa gacaladeenniiye

Geeddigu ka dheer goobtiyay shalayto geeyeene

Guulle hayna garab galo waqtigu waa is gurayaaye

Maxamuud Axmed Cabdalla ‘Shiine’
Email: mabdalle@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle