Inqilaabkii dhicisoobey ee Turkiga ka dhacay Soomaalida waa ku kala aragti duwanayd.
Tixdan ayay isdhaafsadeen maammulada tamarta daran ee Soomaaliya ka jira waa lixda maammul goboleed.
Tagoogo hadduu ka jabo
Afgembi lagu tuuro oo
Erdogan laga takhlusoo
Dawladda taarkeedu go'o
Cadowga aan uba tudhayn
Yuhuudi hadday tagtoo
Giriigguba taabo subax
Maxaa naga galay turkiga
Horuu noogu tacaddiyoo
Aqoonsigii naga tiroo
Midnimo baas nagu toloo
Tabcuu Somaliland
Tagoog jabe abid la rabey
Muqdishuu toobtoobayaaye
Maxaa naga galay Turkiga
Afgembi lagu tuuro oo
Erdogan laga takhlusoo
Dawladda taarkeedu go'o
Cadowga aan uba tudhayn
Yuhuudi hadday tagtoo
Giriigguba taabo subax
Maxaa naga galay turkiga
Horuu noogu tacaddiyoo
Aqoonsigii naga tiroo
Midnimo baas nagu toloo
Tabcuu Somaliland
Tagoog jabe abid la rabey
Muqdishuu toobtoobayaaye
Maxaa naga galay Turkiga
Puntland baa iyana tiri:
Annagu tabantaabo iyo
Tixgelin kama aannu helin
Mashruucyadii tira badnaa
Muqdishuu ku teedayoo
Wixii maal tuunsanaa
Wuxuu tacab keenay Xamar
Tifiliq yari nooma iman
Takoor Puntland ayuu
Tagoog jabe abid la rabey
Turkigu waxba nooma qaban
Tol maahee boowayaal
Tabaaladan soo wajahay
Marnaba haw tiirinina
Wanaag nama tarin waqii
Jawaan nama taarannine
Tixgelin kama aannu helin
Mashruucyadii tira badnaa
Muqdishuu ku teedayoo
Wixii maal tuunsanaa
Wuxuu tacab keenay Xamar
Tifiliq yari nooma iman
Takoor Puntland ayuu
Tagoog jabe abid la rabey
Turkigu waxba nooma qaban
Tol maahee boowayaal
Tabaaladan soo wajahay
Marnaba haw tiirinina
Wanaag nama tarin waqii
Jawaan nama taarannine
Muqdishaa iyana tiri:
Ar Turkigii yaa la galay
Abowgeennaa la togay
Soommaali walaal tunwayn
Ayay tebeysaa mar dhow
Haddii cadow taabsadee
Inqilaab loo tashaday
Maxan u tarnaa turkiga
Wuxuu taray Sommaalida
Innagaa iska tuuqsannee
Digfeer tacabkii ku baxay
Yahooy tamar kalama harin
Magaca Erdogan tanaad
Barwaaqaan ka toobinnee
Dekedduu noo taagay iyo
Elaboorka taakuladii iyo
Abaar tabantaabadintii
Turkigu waa noo guntadee
Allow garabkiisa tiir
Abowgeennaa la togay
Soommaali walaal tunwayn
Ayay tebeysaa mar dhow
Haddii cadow taabsadee
Inqilaab loo tashaday
Maxan u tarnaa turkiga
Wuxuu taray Sommaalida
Innagaa iska tuuqsannee
Digfeer tacabkii ku baxay
Yahooy tamar kalama harin
Magaca Erdogan tanaad
Barwaaqaan ka toobinnee
Dekedduu noo taagay iyo
Elaboorka taakuladii iyo
Abaar tabantaabadintii
Turkigu waa noo guntadee
Allow garabkiisa tiir
Jubbaland aya tiri:
Ka dawlad ahaan turkiga
Ka madaxweyne talada guud
Waxan tahanbaabayaa
Isleeyahay waa ta'wiil
Taariikh baan leennahoo
Inkastoo wuxu na taray
Caasimadda loogu tegin
Dhibaato tahluukisiyo
Tagoogo hadduu ka jabo
Muslinka waw taws horliyo
Tiiraanyo kaloo ka daran
Tii Siiriya lagu turqoo
Liibiya lagu haan togoo
Yamani ay la tasawdayoo
Muslinkaa cadowgu tashaday
Tabaalo kaloo kordhee
Turkiga magacii ha jiro
Ka madaxweyne talada guud
Waxan tahanbaabayaa
Isleeyahay waa ta'wiil
Taariikh baan leennahoo
Inkastoo wuxu na taray
Caasimadda loogu tegin
Dhibaato tahluukisiyo
Tagoogo hadduu ka jabo
Muslinka waw taws horliyo
Tiiraanyo kaloo ka daran
Tii Siiriya lagu turqoo
Liibiya lagu haan togoo
Yamani ay la tasawdayoo
Muslinkaa cadowgu tashaday
Tabaalo kaloo kordhee
Turkiga magacii ha jiro
Baydhabo ayaa tiri:
Ariiroow maxaa turkigu
Unnaka tacab noogu yimi
Intuu Xamar taartaybaa
Itoobiya noo tartee
Haddaan belo taaban Addis
Annagu waan toosannee
Talyaani hadduu qabsado
Giriig Istanbuul tirtiro
Yuhuudduna taabto qayb
Maxaa naga galay turkiga
Tiiraanyo fadee iskii
Amxaaradu waa tolkeen
Unnaka tacab noogu yimi
Intuu Xamar taartaybaa
Itoobiya noo tartee
Haddaan belo taaban Addis
Annagu waan toosannee
Talyaani hadduu qabsado
Giriig Istanbuul tirtiro
Yuhuudduna taabto qayb
Maxaa naga galay turkiga
Tiiraanyo fadee iskii
Amxaaradu waa tolkeen
Galmudug baa iyana tiri:
Turkigu waa waalaladeen
Lacagtuu noo tuumiyaa
Galmudug aan ku taabnayoo
Turkigu haddaanu jirin
Tommootaa noqon lahayn
Ahlusunnaa taabi layd
Horaa loogu tegi lahaa
Ilmahan aan tuuminnee
Taakuladuu noo hayee
Ku taagnaye dawladnimo
Turkiga magacii ha jiro
Lacagtuu noo tuumiyaa
Galmudug aan ku taabnayoo
Turkigu haddaanu jirin
Tommootaa noqon lahayn
Ahlusunnaa taabi layd
Horaa loogu tegi lahaa
Ilmahan aan tuuminnee
Taakuladuu noo hayee
Ku taagnaye dawladnimo
Turkiga magacii ha jiro
By Maxmamud A. Cabdalle
Comments
Post a Comment