Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle
Xada gabayga waa inaan xardhaa sida xadiiskiiye
Xaqa waa inaan daalacshaa xaakim saan ahaye
Xurmo aan caddaaladi lahayn xeerka laga waaye
Xogta maanta iga dhuuxa gabay xaramka suugaanta
Oo hayga xaasidin tixdaan Xaalad ugu yeedhay
Soomaali waa wada xero iyo xaabo wada taale
Xumaanteedu waxay muuqataa hoos xafiiltamide
Shisheeyuhu kolkuu kala xidhee xoon ku kala ooday
Xayawaan geddiisay cuntaa xaynta ubadkiiye
Xawaaray ku socotaa fidnadu Xamar ilaa Shiikhe
Ha yeeshee waxaan xaydayaa xiidka igu yeedhshey
Xanta Sooshal Miidhiyaha taal oo xakaarka ahe
Xaqiraha iyo Xaqiranaha ku xidhan oo xuluushada'e
Xuma feydka Soomaalidaa xayada loo diidey
Shaydaanku xeedhyaha u dhigay ka xiftay beentiisa
Xadhka goyska caar xumihi iyo ceebta xaasibaye
Xayl la dirir, xiniinyaha la goo, xuubshey sharaftiisa
Xaggii Eebbe ruuxaan deyeyn, cabatin xaaleeya
Duul aan xanjeeriba lahayn, oo xabaal nacaye
Noloshu u xadhaadhahay walow, Xaakinku irdhaynin
Afartaa intaan xa'da ku dhigay, xadhig dhac maw diidey
Xuruufta iyo qaafiyaddu waa maanso xubinteede
Xalaal baa dharaar lagu qashaa xero nabdoonayde
Afar kalena soo xoorin iyo xidid dhiggeedii dheh
Xinjiraha waxaa loo qubaa qaran xannaaneeye
Xabaal gobannimaa loo galaa xawl cidhiidhayahe
Wax gammaan xakame loo sudhaa xiinka dirireede
Xiniinyaha wuxuu rag is tusaa xuurto iyo naafe
Xor waxaad ku noqotaa warmaha xolod la saaraaye
Xamasho iyo eed aadamuhu kuma xiloobaane
Xad sokeeye lagu oodayaa xaajo waa ugube
Xabashaanu dirirnaa Amxaar, Xuuti kaa xigo'e
Kuma xiiqa cadow xiirayoo xamagga goynaaya
Is xagxagato Soomaaliyeey xoog isugu faana
Dalka xeebta dheer waa goblane waxan ku soo xeeri
Xaataa dagaalkii ahaa ahaa iyo xanuun raagey
Kol xiskiinna kama bixin qabiil xumiyo baaskiisa
Jeeroo xaqii Eeebbe iyo diinta lagu xaalo
Qarankii xadhkaha laga furfuro xarrago kaa dheere
Xera xero wanaag laguma helo dawlad xoog badane
Layee calan xoraad waa lahayd oo xaq dhawr badane
Xejiyaay ma soo noqonaysaa xalay ha noolaato?
Xamar oo karaamale hadmaa xiiso lagu booqan?
Xooggii dalkoo soo birmaday xadadka loo weecin?
Goormaad xurmayn madaxda oo xilalka loo qaybshey?
WT: Maxamuud Cabdalle
Comments
Post a Comment