GABAY: HOOY! DAGAALKA JOOJAAY! By Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle
Wuxu yiri:
Awel maanso waataan dabroo, doodeheed dhigaye
Waataan afkiyo labada daan, aan dabool bidaye
Goortay dadkeedii tageen, haatan damac beeshay
Waataan dan uga baxay kolkay, noqotay deebaaqe
Waataan daguug madhan is idhi, hawgu daakirine
Eebboow xaluunbaan damqaday, oo dareen qaxaye
Damiirkayga nool baa I yidhi, doono maansadane
Dadkaygaa isdili baan wanaag, ugu dalbaayaaye
Duullaanka Ramadaan la dumi, baan ka digayaaye
Eeebboow colaadahakan dami, la isku dooxaayo
Eebboow dulmiga kii wadiyo, daallinkaba dhaafi
Daadaansi banu aadamaha, daaya laga waaye
Eebboow xaqa u daalici xigtaa, laysku dirayaaye
Afartaa dabuubtii murtida, deelka maansada dheh
Diiwaan maslaxad lagu dhigiyo, degel nabdoonaan dheh
Isu diirnaxiyo ehelnimiyo, daraf wanaaggii
Dheh
Dacwad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga
Dulmi adiga oo waa tirsaday, kibir haddaa duushay
Aad doontay xaajada dur iyo, daabacba u jeedi
Fidno dabarka loo furay hadday, talada kaa daahdey
Ogoobeey dembiga waxad ka noqon, derajadii kowe
Muusoow xumahaad daajisee, ubadka daaqsiisay
Ee tidhi dalkaa kala go’iban, dood yar kaa odhane
Haddaan daacad loo odhan, warkuba waa is dumiyaaye
Dacwigayga maqal waa intoo, kugu duwaa guulle
Goortii dalkeennii burburay, ee lakala dawray
Nin waliba docbuu deyrtayoo, dawladay yidhiye
Damac iyo awooddii qabiil, loo durbaan tumaye
Dabadeed dhibkii dhacay, kolkaad goosi ugu diiqday
Kuwa deyrka soo dhaafay, iyo laaji daba joogey
Ayaa calanka diillimaha badan, daarta kuu sudhaye
Dadka Reer Waqooyigu ma rabin, darammalkinniiye
Dabinnadii qarsoonaa la eed, dagantideediiye
Dulbaxii nabsigu waakanoo, daadka soo rogaye
Durki oodda haddii aadigoo lahaa, laysu dacareeye
Deegaan walbaba reer ayaa, daa’in ku abuuroo
Dib in loo heshiiyaa wacnayd, duudsi daba oole
Daba qabasho uur xaadhni gacal, lagu dabiibaaye
Doobkiyo gashaantida wixii, bado ku daadduumay
Da’yartii tahriibta u baxdee, dabargo’ee lee’day
Dagaallada sokeeyaha wixii, duugmey ubadkeennu
Duunkii ka soo hadhay haddaad, dooya bixi doontay
Sida caws dameer cunay hadday, dugagga taaltaallo
Waa garasho doqoniimo lee, dib isu weydiiyoo
Daa’inkaa kayaab maalin baan, la isku deynayne
Hooy! dagaalka joojaay, samay nabadi doontaaye
Afartaa dabuubtii murtida, deelka maansada dheh
Diiwaan maslaxad lagu dhigiyo, degel nabdoonaan dheh
Isu diirnaxiyo ehelnimiyo, daraf wanaaggii
Dheh
Dacwad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga
Duruufaha gurracan maammulladii, kala didkii uumay
Ee nala dul gawraarshaayee, qolada loo deyrey
Cabdiweli adaa daadahshoo, diiraddow sida’e
Dalka loo dhicinayaan tolnimo, dood yar kaa odhanoo
Dulduleelladaadaan caqliga, kuugu darayaaye
Walaalow durbaan dhiillo iyo, tol isku daaweysta
Waa dalalladay eeddayoo, dhigay daleeshaase
Haddaan doorashada lagu gelayn, mala dareenkayga
Faataxo dabuubtii lahayd, lagu dadduucaynin
Dildillaaca waabberi kamiin, la isku dooxaayo
Dhiig daatay Ramadaan nafluhu, kuma dabbaasheene
Dhallintii waraabaha dugaag, kama dubaaxdeene
Dad isdhalay ismay gawraceen, duud xigaalaahe
Daa’imo ka liitee nimaan, taa ka diir gubane
Waa garasho doqoniimo lee, dib isu weydiiyoo
Daa’inkaa kayaab maalin baan, la isku deynayne
Hooy! dagaalka joojaay, samay nabadi doontaaye
Afartaa dabuubtii murtida, deelka maansada dheh
Diiwaan maslaxad lagu dhigiyo, degel nabdoonaan dheh
Isu diirnaxiyo ehelnimiyo, daraf wanaaggii
Dheh
Dacwad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga
Daamaha colloobiyo xigtada, dociba duud eedday
Dadka Sool dulmiga lala damciyo, dabinka loo qooli
Darxumada Sanaag lala rabiyo, daab isugu dhiibka
Nin damiirle waa garanayaa, dulinka hoos yaale
Dadkan layska sheegtee xumaan, lagu dufaynaayo
Labadii dun wada sheegatiyo, mahurto deegaana
Dabka waxa dhexdood loo dhigaan, diirka ka caddaynoo
Sida weli daliilkii hayaan, soo dallacayaayoo
Soomaalaan u digayaa nimay, dani ka haysaaye
Dudaday ku dhalatee xornimo, duudka uga liicday
Garaadkii Dabliyo culimadii, diinta derejeeyey
Ajuuraan dadkiisii, kufrigu daabaca u qaaday
Gellidigu dagaalkuu u galay, dawladnimadeenna
Axmed Gurey halkuu darafta Maydh, hiil u dayanaayey
Dulcaddaha kobtii uu Darwiish, uuska kaga daadshey
Gobannimo halkii dihatayee, dunidu maamuustay
Degel lagu murmaa laga dhigoo, lagu danaystaaye
Dadkeedaa u kaday ee Sanaag, lama dullaysteene
Sool lama durraaqsheen hubkii, Xabashi daan gaabe
Danaystiyo horgale daaddufaa, loo dalleensadaye
Daandaansi xaafadi dirqiyi, xaafad deriskeeda
Waa wixii horaw dumiyayoo, loo dembow falaye
Hooy! dagaalka joojaay, samay nabadi doontaaye
Afartaa dabuubtii murtida, deelka maansada dheh
Diiwaan maslaxad lagu dhigiyo, degel nabdoonaan dheh
Isu diirnaxiyo ehelnimiyo, daraf wanaaggii
Dheh
Dacwad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga
Dalka aynu leennahay geyigan, maalka lagu daahay
Duunyadiyo xoolaha nimcada, daa’in Ina siiyey
Ku mannaystay xeeb dacalla dheer, daymada u roonoo
Kalluunkuna daf yahay aad tarraqad, gaajo kaga doogi
Dahabkiyo macaadiin widhwidha, maarta lagu duugey
Ee dheemmantuna daadsan tahay, dooxa iyo oogo
Ee daawashiyo qurux u dheer, Daalo lagu dheegey
Calmadow daruuraha rogmada, daaf ka dhuganaysid
Ingiriiski doorada lahaa, deeqdi ma ahayne
Talyan iyo dayuus Franji ahi, nama degsiimaynoo
Duulaan gumaystuu ahaa, oo dorraad yimide
Dalku waa dal Soomaaliyeed, dhaxal aan duugmayne
Dadku waa dad Soomaaliyeed, diir xigaalaahe
Diintuna mid weeyaan xaqaa, daalacoo jira’e
Hooy! dagaalka joojaay, samay nabadi doontaaye
WT: Maxamuud Axmed Cabdalle
Comments
Post a Comment