Gabay Dastuurkaa Mahiiga By Abwaan Maxamuud Cabdalle
July 26, 2012
Hordhac:
Dastuurka la rabo dhowaan in si xooga lagu marsiiyo Ummadda Soomaaliyeed abwaannadu maxay ka yiraahdeen? Akhris wanaagsan.
Dastuurkaa la dhoobdhoobayee Mahiiga soo dhiibay
Waa dhaxal wareeg ubadkayaga lagu dhibaatayne
Dhulkayaga ninkii muran geshoow diidnay dhinacaaga
Odayadu dhambaalkay direen waa mid dhumuc weyne
Dhaliishii aqoonyahannadaa weliba sii dheere
Ninkii diintayada dhalan rogoow diidnay dhinacaaga
Dhaddig iyo labood wax u dhaxayn nooma dhaadhicine
Dhaqammada la soo waaridiyo dhagarta hoos taalla
Dhafoor taabashada laasimoow diidnay dhinacaaga
Dhalashada shan sano uun ku hano dhab u degaan weeye
Wax loo dhaarin Madaxweynanimo talada loo dhiibo
Kii wacad shisheeye u dhigtoow diidnay dhinacaaga
Dhudhummada midkii laga qabtee dhacay masaakiinta
Ee dhugux ka siiyee malyaan dhururi gaadhsiinin
Ee weliba xil u dhololayoow diidnay dhinacaaga
Cadowgii dhulkaygii kol hore dhinaca loo gooyey
Maantana badday dhiganayaan kii hore u dhaafnay
Dhaabaddaa hadimo kii wadow diidnay dhinacaaga
Dhimirkii qabyaaladi gashaa qaran ka dheeraaye
Dhaandhaan dantiisa u dhanqalan waa damiir dhumaye
Midkii kala dhoweystoow shacbiga diidnay dhinacaaga
Dhabba nabada, dhaymiyo maslaxo, dhalinta waanwaanta
Dhug midaan u qabin oo nin kale dhaamankuu raraya
Dhiiglaawe magac doonayoow diidnay dhinacaaga
Afrikaanka soo dhoobtayee Xamar dhaloonqeeyey
EE dhoorle amarka u hayee dhacanta siinaayo
Dhosoqluhu midkuu dheeg socdoow diidnay dhinacaaga
Mid dhiggiisa hoos jooga oon ceeb ka dhiidhiyinin
Irbad dhuub ma geliyaha nin kale qalimmadow dhiibtay
Ee dhagar shisheeyaad watow diidnay dhinacaaga
Digtoor dhookirkaan dhaadihayn dabinka loo dhaabay
Aqoongaabka dhiishii caqliga sida dhadhaabeeda
Ee sida dumaal loo dhaxloow diidnay dhinacaaga
Afartaasi waa iga dhambaal dhiillin iyo waano
Xaqa dharabka lagu awadayaa waa midaan dhicine
Qofkii ay dhibaysoow ka dirir ama dhug haw yeelan
Dhoobada dalkeennaa nin wali dhuro ku taamaaye
Dhan walbaba naflahan duullimaad nagu dhardhaaraaya
Soomaaliyeey dhugo adaa lagu dhibaatayne
Dhulka baaxadda leh ee Ilaah fidiyey dheeggiisa
Nin waliba dhankuu ka arrinshaan loogu dhiganayne
Dhuddii nala ku uumay huryadu dhabaqsanaysaane
Ummadaha ku dhaqanee aralada soohdimaha dhaabtay
Dhisme dawladeed baw agban iyo dhidib aan liicayne
Innana waa is dhinac rooraynaa sida dhurwaagiiye
Waxan hore u dhicin oo adduun dhabannadii haysto
Dal dadkiisii dhoobada cuneen ubadkii dhuun yeedhshey
Nin walbaana dhuub boqornimiyo dhawri madaxweyne
Afartaasi waa iga dhaliil dhiillin iyo waano
Xaqa dharabka lagu awadayaa waa midaan dhicine
Qofkii ay dhibaysoow ka dirir ama dhug haw yeelan
Dhambuukaha isgarab roorayiyo geyshka wada dhaatay
Dharandhoorridiyo Garabcaddaa dhiigga wada quuta
Nabsi dheelmatiinoow adduun dhagartii soo maaha?
Dhisme maammul goboleedku waa kala dhantaal uune
Wada dhigaha loolkii ka jabay dhaxanna kaa awdin
Nabsi dheelmatiinoow adduun dhagartii soow maaha?
Dad dhulkoodii laga gawdhiyoo dhagi gawaan jiifa
Oo dhalasho kii ugu xigey dabaqyo dhoobaayo
Nabsi dheelmatiinoow adduun dhagartii sow maaha?
Dhabta halaq la saartiyo Amxaar gogosha loo dheeho
Keenyaan hablaha loo dhisiyo dhaanto lagu sooro
Nabsi dheelmatiinoow adduun dhagartii soow maaha?
Afartaasi waa iga dhaliil dhiillin iyo waano
Xaqa dharabka lagu awadayaa waa midaan dhicine
Qofkii ay dhibaysoow ka dirir ama dhug haw yeelan
Allahayoow adaan dheelliyayn laguna dhaafayne
Adaan taladu kaa dhuumanayn xaqa ka dheeraane
Soomaalida dhabbada toosan mari dhuudhi baa galaye
Dhoylaawayaashiyo Allow dhaafi magalluudka
Dhoomaha xammaalkiyo Allow dhaafi gega roorka
Soomaalida dhabbada toosan mari dhuudhi baa galaye
Alloow dhool san noo di’i dhulkii waakan baylahaye
Alloow dhabatanimmadiyo ka saar gaaja dhalandhoolka
Soomaalida dhabbada toosan mari dhuudhi baa galaye
W.T Maxamuud Axmed Cabdalle
Comments
Post a Comment