Gabay Jaalloow Jamaal By Abwaan Maxamuud Cabdalle



Gabaygan wuxu ku socdaa Mudane, Wasiir, Jamaal Maxamed Xasan. Isagaa is fasiraya, waa Maansada ‘Jalloow Jamaal.’


Awel maanso waataan jimbacay jamashadeediiye
Waataan ka jeensadey tixihii jawharta ahaaye
Waataan ka juuq dhigay inaan gabayo jeedshaaye
Maantaba waxbaa igu jirrabay jiinley ii wacaye
Aan jiheeyo meeshaan la rabey jibinta soo daayo

Jaallow Jamaal gacaliyoow jaalkaybaa tahaye
Jirro iyo xumaan kaa nasahan kuu jareexaahe
Waqaa cadowga haw jabin korkaa jaamacaa sudhane

Jugta qaraxa iyo miinadiyo jalfisada duusha
Jarta laysku dilo Xamar, Ilaah kaa jid-bixi goore
Jallaafaynta nacabkiyo shirqool, kuma jiseeyaane
Jarmaadiyo carraababa hortaa, khayrku kula joogye

Warkan iga jibaal baxay bal maqal waa u jibayaaye
Jiiradaa darbaa hore u koray jeedha Maxamuude
Jannaniyo wasiirraba sedbaan jaarrun u lahayne
Jebsintaynu Fadaraal ka nahay, jeeb ma gelin waana

Kuwii horay u joogaan Jamaal, jilif-yar gaadhsiine
Dantooday ka jaaf buuxsadeen tol uma jeellayne
Juhdi geliya maba ay aqoon, jabaddadiinniiye
Adiguna jidkoodii ha marin, jaabi haw dhurane

Afartaa hillaac jararacliyo, jimidh tigaadeed dheh
Onkod jawle, jirarkii gugiyo, joharaddiisii dheh
Nimco jookhan, jamal iyo xareed, jiifta goonyaha dheh
Maansada codkaan jeediyiyo, jabal ka baaqeed dheh
Jawi kalana waa erey yaroon igu jibbaar Guulle

Wax badanbaan jidaal soo ahaa, kuu jalbeeb wacaye
Wax badanbaan siday wax u jiraan, kuu jawaab diraye
Wax badanbaan Jamaalow ku idhi, jeedda iga hooye

Wax badanbaan ku jeedaaliyoo, kuu jimiimicaye
Wax badan baan u soo jeedi idhi, dan iyo jiidjiide
Wax badanbaan jalleecood ku idhi, jiidh xigaalnimo’e

Buntiland, kolkaan joogsadee, jaraha dooyaytey
Xaqay naga janjuunteen kolkaan, jaallow dhici doonay
Colka ila jebaan ina-adeer, jiidh-xul kuu idhiye

Qarankaa la kala jeebayaan, joojiya lahaaye
Jabhadaha mamaan geli lahaa, jeel u goonniya’e
Jaanjaannadii baan lahaa, jabal ka sii xoore

Kuwa juuqda gabay baan lahaa, jaabi ka xoreeye
Argagixiso jaahilaan lahaa, jeedaha u diide
Jilbiskiyo Gungumagaan lahaa, jaa’ifee cadowe

Jidka Laag maraan waxan lahaa, nabad ha jeerteene
Galgala iyo jiqahaan lahaa, guutadii jiriye
Maatada jirraban baan lahaa, soo jibaadh gebiye
Barakaca jid uga yeel lahaa, jiidh sokeeyaahe

Kama jaawin wiilyohow xilkaan, jiir walbow koraye
Jajabkiyo xisaabaha aan qoray, waa jahaas xidhane
Joofeyda nimanbaa sitoo, aanse jilay goyne
Adiguna jidkoodii ha marin, jaabi haw dhuran

WT: Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle

Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle