GABAY DIIRATO BY MAXAMUUD CABDALLE



Da'da gabay ma deyn karo nimay boogi damaqdaaye

Dabku kama bakhtiyo meel cadliga daacad loo yahaye

Dibnahaa kolkii aan u furo wayga soo degiye

Sidii Weli u diiraan xaqii dabada haystaaye

Rabboow dacarta goortaan fasaxo derejo ii dhaafi

Kolkay doqoni talisaa nin raga iilka loo diraye

Axmed Daahirkii aan iqiin duni hadduu haysto

Xeer Ilaalin iyo dawladnimo loogu daba joogo

Allaylehe dalkii dalow ka ride dubato mooryaane

Faaraxaan dugsiga wada tagnee abid dammiinkii ah

Wiil-door haddii uu noqday oo derejo weyn haysto

Daabaantii Soomaali waa dayradoo kale'e

Daa'imada Ina Sheekh inuu madax ku daanshoodo

Ciqaab durugtay weeyiyo nabsiga diga roggiisiiye

Soomaalidu dulmigay mudatay iyo dakharradii gaadhey

Dillaal iyo mallalkii dagiyo tuugo dabinleyda

Waa looga sii daray dhibkii daadunshoo rogaye

Afartaa sidii dirir onkodey duni ma saameelay

Sida roob dinnaagale miyaan ugu dinnaahyeeyey

Guuxiyo dabayshii miyay diillintu isgaadhey

Dabuubtayda meeshaan la rabey diirad ma u saaray

Xamar dulinka jiifaa ka daran galiyo daacuune

Dadka kii u liitaa xil qaran lagu damsiiyaaye

Kunkan ay dalliciyeen malaha ruux dareen qaba'e

Damiir iyo xishood waxan lahayn garasho Daayeerle

Doolshaanka caynkiisa iyo sidatan daad xoora

Ayaa lagu dandaanshaa dan qaran door masuulnimo'e

Duq magaalo iyo Janan la odhan daabbad kii wadaye

Dabarkood go'; waa waxan lahayn dun iyo taariikhe

Dersin kama bartaan wixii dumiyo duugankii dhacaye

Garashiyo dadnimo waa ka liid diir naxii nugule

Murtidana Ilaahbay diliye waa daguug madhane

Soomaalay dardaaran u tahee da' uma sheegeene

Afartaa sidii dirir onkodey duni ma saameelay

Sida roob dinnaagale miyaan ugu dinnaahyeeyey

Guuxiyo dabayshii miyay diillintu isgaadhey

Dabuubtayda meeshaan la rabey diirad ma u saaray

Dawlad qaran hadday Xamar jirtoo maammul daadihiyo

Dalka laguma haysteen agoon daaruu leeyahaye

Dumaal laguma boobeen hantiyay dhaxal u deysteene

Dugsi maato dhoobnayd hargalay lagama duubeene

Dadka lagaga badan yahay geyiga lama dullaysteene

Reer Xamar dalkoodii Abgaal kuma dagaajeene

Duq madoobe Boondheere gibir kuma dadduuceene

Damaanyaale beenbeena amar lama dul geeyeene

Degma waliba reer qudha xilkii laguma daaheene

Damiirlaawayaashiyo shuftada daa'in ka irdhoobey

Waa kuwii ka duudsiyey xaqiis Xaashi oo duqahe

Dadku waxay isweydiinayaan daallinnimadoode

Dilka dhiigga lagu ganacsadiyo qaraxa duulaaya

Diiratadan dadkii magan u yahay dooxatiyo tuugta

Dunjigood afduubkiyo Shabaab waysku wada diine

Allahayoow dadqalatadan ka qabo qarankii diifowye

WT: MaxamuudCabdalle


Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle