Gabay Xuuti By Abwaan Maxamuud Cabdalle
Kol haddaadan sida Xuutigii xoog u diriraynin
Xulafada Israa’iil haddaadan xeer la dhigaynin
Ama aadan xag Ebbiyo xaqii diin ku xayaynin
Xor ma tihido sida Carab Ximaar baa laguu xamanee
Xammaal baad u noqon a Reer Galbeed xaafad kiristaane
Xiniinyahaa lagaa siibayaa sida xamuur awre
Marna sida xurmaleydoo kalaa lagu xayaysiine
Adduunyadan is xuurtaynaysaa xaalinkay sugiye
Soomaalaay xafiiltamiddu waa garasho xeel dheere
Adduunyadan is xuurtaynaysaa xaalinkay sugiye
WT. Maxamuud Axmed Cabdalle
Comments
Post a Comment