Gabay Ugaadeen Abaal ma leh By Abwaan Maxamuud Cabdalle
Gabaygaa kooban oo soo baxay 8/23/2018
Wuxu abbaarayaa isbeddellada ka aloosan Gobolka Somali Galbeed ama Ugadenia. Gaar ahaan wuxu gaar uga hadlayaa xadhiga Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (Ina-Iley).
Wuxu yiri:
Ina iley arbihii liicaybaan cidi u ooyayne
Arladuu amiirka u ahaa laga atiimowye
Isba Oromaduu eersadiyo aabbow xoogsadaye
Lame iyo Jawaar baa ajalay aarkii reer Caliye
Abtiyo xidid hadduu leeyahay lama afduubeene
Alambakha kolkii lagu riday alaalasaayeene
Amarkii Abey baa socdoo laga ergoonayne
Ugaadeen abaal maleh kolkaan eegay aadmiga’e
Ajasha iyo geerida nafluhu abidin loo siman
Cabdi iilka lagu dhereriyaan laga urgoonayne
Ihaanada kuwaa qaatayoow aragti gaabkiinna
———DHAMAAD————
Comments
Post a Comment