Gabay Dalkeennii la kala Qaybshey By Abwaan Maxamuud Cabdalle

 


Dalkeennii la kala qaybiyee cadowga loo qayday

 Qaadan waa awoogeen amxaar qurub la siiyaaye

 Qarqarsiga ka dirir iyo anaa qaabbil kuu taline

 Maantoo qudhiisii xabaal lagu qarqooreeyey

 Weli qoonti way taagan tahay quudhsigii shalaye

 Qaxar iyo dhib nagu soo kordhiyo qolada mooyaane

 Qoodh dirira kama uu dhammaan qaranka soomaale

 Qormo oo qaddaru eebbahay kaare kala qaaray

 In la qalo ninkii dhiqi jiray yaan ku qaanicine

 Dabbaax baa mindida kula qadhqadha qaalinta irmaane

 Qasdigoodu ba'anaa kuwaa qurus ka doonaaya

 Qaabaanqabtiyo beelyadiyo haaddan qananaysa

 Waax qadhiidh dillaaloo geyiga qarab kaloow dhiiba

 Dhulka sumo ku qaya oo baddii qalin ku iib geeya

 Qorshohoodu socon maayo oo ways qatalayaane

 EEbbow qarkay maanta taal qadanka soo meeri

 Soomaalidaa kala qubane qoysba dhan u jeedo

 Qaraabada isugu keen allow qaabad nabadaysa

 Qarankeenni soo celi aallow qaaddirbaa tahaye!


WT: Abwaan Maxamuud Cabdalle

Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle