Cilmi Dhigo Gabay By Abwaan Maxamuud Cabdalle


Qisada Gabayga "Cilmi Dhigo" waa mid dhab ah. Oday Reer Sanaag ah ayaa wiil uu dhalay oo aad u maskax badnaa uga waayey, oo laga reebay deeqihii waxbarasho ee Puntland. Markaa isagoo arrintaa odagu ii sheegay, ayaan tixdan ka tiriyey. Waxay tixdu daaha ka qaadaydaa dhibaatada eexda iyo qabyaaladdu keento.

Wuxu yiri:
Cilmi dhigo haddaad wiilkayoow aad ku dhololaysey
Aad weliba jaamacad dhammee dhaabaha u qaadday
Aad weliba sii dhaaf lahayd ood dhabbadii haysey
Master iyo haddaad Phd dhab ugu taamaysey
Bal dhegeyso dunidaan Puntland dhagaxyo weeyaane
Waxa lagu dhergaa eexda iyo dhaan qabiilsiga'e
Dhaliishuna dhacaa weeye xaqa lagu dharruurtaaye
Dhiggaa kuwa ka hooseeyabaa loo dhigaa Yurube
Imtixaanki kuwii dhacay ayaa loo dhudhumiyaaye
Dhakhtarray noqdeen saaqiddadii Dhii ka hoos maraye
Dhimbiilaa arlada yaacayiyo dhuudhi heensadaye
Dhabal weeye musharkoodu iyo gaadhi dhinac yaale
Haddaan odhan Itoobbiya u dhiga way dhibsanayaane
Ileyn dhagar nin kula maagganbaan dhamamax kuu hayne
Wiilyohow dharaar baa imaan xaqu dhalaalaaye
Dhoof iyo tahriib kulama rabo wiilkayoow dhimasho
Calafkana Ilaahbaa dhigoo dhawrta aadmigane
Dhulkaaga iska joog meeluunbuu kaaga soo dhiciye

HALKAN KA DAAWO: https://www.youtube.com/watch?v=xlH_5M9s4Ao&app=desktop
WT: Maxamuud Axmed Cabdalle


Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle