Gabay Jinsiyadda Soomaaliya, Yaa Soomaali ah WT Maxamuud Cabdalle
Gabaygan uu tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalle wuxu ku saabsan yahay Qodobka Jinsiyadaha ee lagu muransan yahay ayuu ka hadlayaa. Yaa Soomaali noqon kara ayaa bulshada loo soo bandhigay iyo in 8 sano dhalashada Soomaaliya lagu siin karo ajaaniibta soo buux dhaafisay dalka intii 25-ka sano ahayd ee dagaallada sokeeye?
Tixda iyana ku xigta waxay ka hadlaysaa colaadda qotada dheer ee inoo dhaxay imbiraadooriyadda Xabashida iyo Soomaalida hadda daba ordayaan waxay daarran tahay. Tixdan waxa la yiraahdaa "Amxaarada ninkii aamminow adiyo yeelkaa." Dhegeysi Wanaagsan. Mahadsanidin.
Wuxu yiri:
Dastuurkii sitiinkii (60-kii) la qoray bay sargixayaane
Soomaalinnimo muran la gelin saaka lagu baaqye
Sinjiyaaba lagu soo dardari sumad la'aaneede
Gabdhihii sadhoobee ajnebi siiyey hilibkooda
Ee seeddi Chinese-ah iyo Samoan noo keenay
Saancaddaale gaaliyo Hindiga sebiyadoow qaaday
Suunqudhmoone Keenyana iyo Xabashku aasooleey
Iyo nimanka seeraha gudbee saylad kale aaday
Sinjigii ka beermiyo annagu sawrac maan lihine
Soomaali bay noqon caqli siisan kari maayoo
WT Maxamuud Axmed Cabdalle
Comments
Post a Comment