Gabay Rag By Abwaan Maxamuud Cabdalle


Rag hadduu dagaal wada galoo, dooyo bixinaayo

Duullaanka waw siman yahay, iyo dirirta goobeede
Geesiga dardaarmaba, kolbaa dani luggoysaaye
Diric iyo halyeynimo, kolbuu fuluhu doonaaye
Maalintay darraatee colaad, la isku daardaaro
Dul ka tiriska waa ina rag uun, dayra dhaafyaduye
La arkee in lagu diirsadaa, doqonta qaarkeede
Dogob kuu baxaa dhaxanta deda,  banaha kaa deyra
Isku duubni baa lagu helaa, derejo kaa weyne
Allow Daa'in amarkaana waa, ugu dambayntuune

WT: Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle

Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle