Gabayga "Saacaddaa Rogan" By Abwaan Maxamuud Cabdalle
Suubbanoow Siciid gabay aduu saanad kuu yahaye
Adaan seegin maahmaahda iyo sawdka kii wacane
Bal dhegaha u saamici adaan kala sadhaynaynee
Sa'da maanso saan ugu saddahay waaga sibirtiisa
Sifa Aad la yaabtiyo qiso an dunida saamayne
Su'aalaan isweydiinayee maqal sarbeebtaydan
Sumad weeye Madaxweynenimo suurad qarameede
Sumcad aan waqeed loo sinnayn siinad qaaliyahe
Soomaalibaa biiyayoo sawraceed dilaye
Ummadaha wax lagu saacidaa hal ay ku soocmaane
Saldhig dawladnimo iyo midnimo lagu sansaanshaaye
Astaan iyo hoggaan saaxiyoo saayiraad gala'ee
Soomaalibaa bi'isayoo saydhay sharaftaase
Soomaaliyi sideedii ma aha sawracaa rogane
Sogsog iyo Galoolbaa sinmoo Soolkii baa rogane
Gunbaa sara martoo Gobi sabool saacii baa rogane
Sikhi iyo bakhayl layku sidig siintii baa rogane
Gabyaagii iyo saar tume murmoo siinkii baa rogane
Suqdho iyo Siraad loollamoo siinaddaa rogane
Wejiyaxun ku suurayn fannaan sawdkii baa rogane
Senge iyo Dameer orodki sime seerahaa rogane
Suldaan socoyey Saqandhaa ka tali seeftibaa rogane
Sixin wadale Seenyo iyo Adhi soofkii baa rogane
Caalim samiryey Suufaa fidyoo suuraddaa rogane
Gu'baa surufle Dayrbaa subkale saamahaa rogane
Belaa samo leh nabadbaa sirgaxan saaxigaa rogane
Sanbiille iyo Madaxweyne siman
saanacaa rogane
Dalbaa sumadla' Gobalbaa sifaleh soohdintaa rogane
Ragbaa seexday Dumarbaa sahmiyey saadadaa rogane
Sawaa weeye sulux iyo colaad saamacaa rogane
Wax waliba sidoodii ma aha saacaddaa rogane/e
______________________________ _
Nimanyohow bal gabaygaan sawiro sooca unuggisa
Siinley murtiya feleg ku jira saanacyo u doona
Sakrashay hadhow naga ahayd haygu seegina'e
Seed iyo cad sarar weyn ka baxay cudurna saameeyey
Midi uu saliim yahay midina sadho ka hooseeyo
Xidid qudhihi siinaayo dhiig saara godanteeda
Senge Orodka loo saaro oo siibasho u roora
Suubbane baroorkii xarrago socodka googooya
Oo baqalku siigada ku qayey saara godanteeda
Seenyada gugii curatayee maqasha loo soocay
Candhada aad sibraar mooddid sibirta xaabayso
Een subaxdii reer loo lisayn saara godanteeda
Saylaha libaaxoo calfaday gool sannado joogey
Oo micida seeddiyo ku jaray sabarka dheeggiisa
Oon dhiig ka siifayn raqdii saara godanteeda
Suldaan magac lagaa oo dadkuna garasho sooraayo
Sayid aan odhaahdiisa badi lagu saluugaynin
Ooy habari sooyaal u dhigi saara godanteeda
Madaxweyne saaniya xilkii qaranka loo saaray
Salli uu ka taliyiyo rugtii lagu sabbaaraayo
Oon sahan dirayn maalin qura saara godanteeda
Ummad luqad sifaysiyo hiddaha aan ku kala soocmin
Sumad diina, suurad iyo muuq aan la kala saarin
Samihii ka soofiyo wanaag saara godanteedaa
By Maxamuud Axmed Cabdalle
Comments
Post a Comment