Gabay Ina Farmaajow By Abwaan Maxamuud Cabdalle



Waa dhab oo weliba waxyaabo ka fool xun baa dhacay, horena u dhici jirey. Su'aashu waa maxaa lagaga tashan karaa?

Gabaygii booqashadii Farmaajo waxan ka idhi:

Miimka gabay murtidada hadalka waa lagu macneeyaaye
Haddii aanu maankiyo ka iman garasho miisaanle
Waa maanac iyo shaani aan meel u daadegine
Masjidada badhbaan laga addimin ina Farmaajowe
Muslinka iyo munaafaqaa beryahan lagu murmaayaaye
Muxibbada midbaa beena oon kuu milgo ahayne
Musuqmaasuq Soomaali waa meheredadiiye
Sayidkii markhaantiga u furay waana mahadshaaye
Malkada iyo dhaantada walow lagu muquursiiyey
Muraaqadiyo jiibtii walow lagu maggowsiiyey
Maandhow mid kugu daw ahayd meeshi laga waaye
Hoygii midnamadee Sanaag, Sool oo magac weyn leh
Kol haddaadan soo marin halkay sharafi kuu maaxday
Allaylehe inadan miigganayn waa mid la hubaaye
Mudug way ku sugi dunida qaar kuu mucaarada'e
Walow aanan miidaamo cadow maandhow kula doonin
Maqaamkeedii qarannimadu waa soo madow yahaye
Bal isgaro mudane booqashadu maaha taan rabaye
Madaxweynihii koonfureed lagugu miisaanye

WT. Maxamuud Axmed Cabdalle

Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle