Gabay Goblan Maaha Hooyooyinkii Geyiga Soomaali By Maxamuud Cabdalle
God bay dalaq ku tiri qarannimadii, guufannaa taliye
Gar Allee kuwii loo idmaday, gabe wanaaggiiye
Garyqaanna noo sheeg, inuu gaabiskii galaye
Gurguurtaannu eedniyo Gabbade, nama guhaadsheene
Goblan maaha hooyooyinkii geyiga Soomaale
Midkii geeddigeed furi lahaa, godan barwaaqaada
Oo dawlad gaadhsiin lahaa, uma gudboonaane
Sida gaban gawaan roor, kuweer garashadii gaabshey
Soomaali gegidaa dhigaa, guushii daayacaye
Gacan mariska guulloow maruun, guudka laga saaray
Eebboow ka gees mari talada, cadow u gaadiide
Abwaan Maxamuud Cabdalle
Comments
Post a Comment