Gabay Xiiso Leh: DHAMAMAX WAALID– WT. Maxamuud Cabdalle

 12/24/2009



Dhibaatooyinka Soomaalida ka haysta qurbaha waa kuwo aad u laxaad weyn, haba ugu sii darnaadeen dhaqan gaddoonka ilmaha soomaaliyeed ee qurbaha qoysaskoodu ku sugan yihiin. Waxan booqasho ugu tegey 12/23/2009 reer soomaaliyeed oo aan deris ku nahay magaalada Seattle, ee Goblka Washington ee dalka Maraykanka. Odaygii reerka iyo hooyadii aqalka ayaan la kulmay, waana isoo dhoweeyeen.

Sheeko iyo shaah cabbid, dalkii iska waraysi iyo faallayn ciidaha gaalada ku saabsan ayaan gallay. Waxan aad ugu dheeraannay sidii reerku ku yimaaddeen Maraykan oo odaygu iiga sheekeeyey. Jabkii, qaxii, dhibaatadii, guri la’aantii, gaajadii, cabsidii, yahoonkii, harraadkii, silicii, halistii iyo baaxadsoorihii ay soo mareen ka hor noloshooda qurbaha.

Ilaa dhawr saacadood baan la joogey, anigoo si fiican u dhuuxayey oday Yuusuf iyo Eeddo Maryan sheekadooda. Maray xoogaa fiid sii gabaabsiya ahayd, ayaa waxa irridda aqalka ka soo gashay gabar dhallin yar, dhuuban, dheer, asturan, gacantana ku haysata talafoon yar oo dhalaalaya (Cellphone). Markiiba waxay u gudubtay xagga jaranjarta sare, laakiin aabbeheed oo cadho ka muuqatey, oo ila fadhiyey ayaa u dhawaaqay:

Wuxu odaygu yiri: Aabbo xaggee saacaddan ka timi, goortii la arkaba ma taleefan baad ku hadlaysaa? Si debecsan bay yartii u soo weecatay. Aabbo iskoolkii baan ku soo daahay.

Hooyadii baa soo booddoo tiri: iskuullo xilligan laguma maqnayne sheeg meeshaa ku maqnayd? Hadalkii baa taagtaagmay. Laakiin yartii horay uguu sii siqday xagga sare ee aqalka.

Odaygii baa ku calaacalay: “nin nooli wax kasta waa arkayaa,” gabadhaa dul iyo hoos waa ula hadlay, waa uun dhega daguugan waano u sheeg. Xaajiyaddiibaa iyana dhawr hadal daba dhigtay. Wax yar ka dib, meeshii baan isku macasalaamaynay, waana ka soo tegey.

Gurigaygaan imi, Cishe kolkaan tukaday ayaan seexday. Hurdadu gebilay bay igu ahayd, oo horaan u gami waayey, anigoo soo xusuusanayey qisadii inanta iyo waalidkeed.

Waxaan raftaba, ilaahay waa ii sahlay oo waan gam’ay aakhirkii. Laakiin, wakhti aanan hore u kici jirin ayaan ka soo booday hurdadii. Shaydaankaan iska naaray, oo saacadda geestayda tiil baan jalleecay, mise waa 3:00dii habeennimo. Sheeko malaha aan hurdada ku haystay ayaa markiiba qalow igu soo tiri. Waa riyo, riyaduna haddaad markaaba dib u xasuusato wax baad ka haleeshaa. Waxan ku riyoonayey anigoo gabadh aan dhalay oo lix iyo toban jira (walow aanan gabadhba dhalin,) leeg gabadhii xalay waalidkeed ku qaylinayey, anoo waaninaya, anigoo uga sheekaynayey sidaan qurbaha ku nimi, dhibaatadii dalkii ka dhacday, iyo waxa aan ka filayo Faaduma Dhool mustaqbalkeeda.

Gabayga intiisa hore riyuu igu ahaa, ka dibna waa dhammays tiray markaan toosay ka dib. Waa sheeka guud oo khusaysa ummadda soomaaliyeed ee ilmaha ku koriya qurbaha. Akhris wanaagsan.


Gabaygiina sidan buu ku bilowdaa:


Faadumooy dhammays baa tahay dheg iyo miisaan leh

Dheeho lix iyo toban sano jirtoo aan dhib soo marine

Alla dhawryeey aabbooy! ducaan kuu dhafrinayaaye

U dhug yeelo waanadaan ku faro dheguhu yay seegin


Adigoo dhabtii hooyaada dhaafin maradeeda

oo dhixir sidaa tahay ku maran dhinaca geesteeda

Ayuu eebbe iisoo dhigay dhul aanan doonayne

Dhulkii hooyo waxaynu uga nimid dhoyga geli caawa


Dhololkayga maahayn inaan debed u dhoofaaye

Kuma dhiirranayn abidinkay inaan dhuyaalaaye

Dalkeennaa dhisnaa oo ahaa midaan dhantaallayne

Dhereg iyo barwaaqaa dhexyiil dhayda caanaha


Dhankastaad u eegtaba nimcaa dhoobanayd gebiye

Bulsha dhaqan wanaagluu lahaa oo is dheefsada

Maammul loo dhegtaagaa jiroo qaran ku dhaataaye

Dhakhtarriyo iskuulliyo daryeel dhawran baa jiraye


Dhagta waaga waxan aadi jiray shaqo aan dheerayne

Galabtii kolkaan soo dhacee daal dhanba illaawo

Dhalad ehela iyo derisyadaan soo dhowayn jiraye

Dhawaaqaan maqlaba wuxu ahaa dheemman iyo luule


Innagoo dharaar guriganaga aayar dhacadiidna

Oo Villa dhaayuhu qabtaan nabad u dhoocaarna

Dhitaduna inoo taal anfaco dhiil walbiba buuxdo

Ayuu amar dhacoo la isku galay Xamar dhexdeediiye


Dhamacdiyo rasaastaa sidii roob u soo dhacaye

Dhalfiiftay noqdeen deriskayagi dhaaxa badidoode

Dhimbiilaa ku yaacoo arlada dhuudhibaa galaye

Dhiigbaa dariiqyada qulqulay suuqyo nagu dhowe


Cabsi baan la dhirifniyo Madfaca dhararqdiisiiye

Hurdo dhinaca dhigiwaaga iyo dhiilladiyo tawsta

Dhaca tuugadiyo boobka iyo dhidarka mooryaanta

Wax dheeraa qabiil dhuuntog iyo dhac iyo laystaane


Goortii dhuuni daayoo waxbadan gaajo lagu dheelmay

Goortaan dhabqalalownayee baahi dhugatownay

Goortaad habeen iyo dharaar oohin dhalandhooshay

Ayuunbaan sidaan kuu dhib tiro dhooleey soo qaxaye


Lixdan baan u dhaxay Baydhabiyo dhegedkii Waamoode

Dhagax quudannaa iyo dhunkaal dharaq ku leelleelka

Waayeel dhanqalan iyo carruur waaqla lagu dhaafay

Dhaayahaygu waxay soo arkeen dhawr kunoo melege


Dhiilladiyo colaaddaa ku fiday taniyo Dhoobleeye

Dharab lagu badbaadiyo kolkay nabadi dheeraatay

Dhabbadii Habaar Waalidbaan Dhooleey soo maraye

Dhafoor moordi Keenyaan ah baan dheef ka saanyadaye


Dhabatada sideedaa xeryaha deyr naloo dhigaye

Dhamas baa dugaal noo noqdiyo hoy dhilmaanyalehe

Dhurwaa iyo abeesaan rafiiq noqonnay dhawr goore

Dhoorlaha libaax reemayaa noogu soo dhacaye


Waxa aan aroor dheelmadoo dhuuni kula raadshey

Dhakal caydha waxan lalansadoo badar kusoo dhaanshey

Dhufays sidan ku jiro waxan lignaa dhoobadiyo ceelka

Dhooleey aqooniyo inaad dhaxal u aydaaye


Dhoofkii Marakani anigu uma dheg taagayne

Kolkii uu dalkii dheelliyee dhiillo dami weydey

Adna aad dhallaan nolol dhur sugi noqotay dhaameelka

Ayaan talo ku dhoobdhoobay inaan tago dhul gaalaade


Rabbi kama abaal dhicine way dhaqay ilaahaye

Inkastoon dhulkii tebahayoon gacal ka dheeraaday

Inkaastaannu hoy Dhookir iyo David wada joogno

Kolkii aan ku dheehdaa farxadi igu dhammaataaye


Dhebigii Caleed sida tihiyo Dhuurta iyo Jiica

Ama dhumuc Galool yeeshayoo Damal ka dheeraaday

Abbooy mid kula dhalan ah duni hooyo may dhaline

Dhal jacaylka waa waalid uun dhamamixiisiiye


Dhaqankaaga iyo diinta iyo dhawro sharaftaada

Dhaddig hooyadaa kaga dayoo eedyar ha u dhaafin

Afkeennaan dhaliil aan lahayn dhaxal aan guurayne

Maandhey cilmiga dhigo adoon dhuminin tawxiidka


WT. Maxamuud Axmed Cabdalle

Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle