Gabay Umul Baa Illowda By Abwaan Maxamuud Cabdalle

 



Qisada gabaygan waa qiso dhab ah oo jacayl, cibra qaadasho iyo tusaale abwaan. 

Ummul baa illawda’e dhalmada eelka dabadiise

Uuluufaadka bani’aadamkee dunida oolaaya

hadday hooyo aar gudan lahayd maba abuurmeene

 

Gabadhyahay ayaantii kalgacal amarku ii geeyey

ee aan awaytiyey wanaag waan ku aamminaye

Walaaleey Ubaxa waad ogayd iba furkiisiiye

 

Afrikiyo dhankaa dumarka jira yurub ardaageeda

Ameerikada ooddaa sariyo Eeyshiyada hoose

Ustareeliyaankiyo hablaha aartikada buuxa

Inankaleba oon iima hayn adiga mooyaane

 

Ogoobeey ayaanlaay waxaan kuugu ulanaayey

ugub weeye Soomaaliyeed joogta awdalane

Umalkiyo dhibkaagii wax badan waan la oogsadaye

 

Waataan asluubsaday idday  garasha aadkiiye

Inkaloo daryeeliyo wixii ani itaalkaya

Waataan tacliintiyo ku iri alifka raacdeeye

 

Goortaad abraartaye I tiri orobba aan aado

Waataan axdiga dhigannayoon oodda kaa rogaye

Abaalkaasi inuu dumi berriba ma aan ilhaamayne

 

Aheey barasho waa lagu hodmaa malaha uunkeere

Afmacaani waa lagu sirmaa been umaamadane

Ehehlnimada dhawr baa illayn urugo joogtaaye

 

Abidkay ma moodayn inaad iga ordaysaaye

ilaahay hortii waxan lahaa guurka u asdeeye

Imtixaan ma eegayn inaad arammi beertaaye

ashkatiyo ma filanayn inaad adhax I goysaaye

 

Amin aan khalqigu dhaadin baan aragti baaqaaye

Wax dhaaxaan addimay waanadana kuu abaydimaye

Kuu inshaaray oo waa xaqii eebbe daalacaye

 

Naahooy ha noqon agabbariyo doqon ugaadhowdey

Iimaanku qaaruu ka tegey yaanay ku afduubin

Ilwaad geesi sugayaa tahaye sharaftu yay iilan

 

Arrintaada haw dhiibin nacab kuu arxamahaynin

Iftiinkiyo ku soo hiro nimcada aqalka kuu waaban

Haddii kale adduun qoomammale aaye kale raadso!


WT: Abwaan Maxamuud Cabdalle

 

Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle