Gabay Nimca Qorane Waxa Loo Qabsaday By Abwaan Maxamuud Cabdalle
Nimca Qorane waxa loo qabsaday qaran ha faallayne
Qabbir jeela waxa loogu ridey qiima dheerida'e
Qorshaha Goosatadu dooni baa lagu qasbaayaaye
Jidhdilka iyo qamuunyada la baday waan qandhanayaaye
Qummaati uma ledin xalay kolkaan helay qabaarkeede
Qalbigaan ka murugoonayaa waan qadhqadhayaaye
Qisadeeda ruuxaan ogeyn waw qallidayaaye
Muuse Qawlal baan qaafka gabay u qaddimaayaaye
War waa cawro waxad qaawisoo qalatay Maandhow dheh
Waa gabadh qaraabiyo xigta ah waxad qardoofayn dheh
Ciidagalaha qawqaba hadduu kuu quturan waayey
Oy qoofayaan odayadii qabey wanaaggeeda
Faysal uu qalaad daayey oo qiil u bixin waayey
Qamaammiir u hiillama hadday xaajo qumin weydey
War waa cawro waxad qaawisoo qalatay Muusoow dheh
Waa gabadh qaraabiyo xigta ah waxad qardoofayn dheh
Dumar taad qabtaa laga maslaa qaalidaad korin dheh
Tii uurka kugu qaadday iyo hooyo qiimile dheh
Muusoow ka yaab Qaadirkaa qool fur inantaa dheh
WT. Maxamuud Axmed Cabdalle
Comments
Post a Comment