Gabay Isku-Gudub By Maxamuud Cabdalle
Ga’da maanso geeraarka iyo gabay yagleelkiisaWaataan ka gaabsaday tixihii gaarranaan jiraye
Miduu Eebbahay igu galladay baan ku garansiine
Cabdiweli gartii qaad arrini garangar bay taale
Oo xaajadaan kuu ged baxay geedka ula laabo
Puntland siyaasado gurracan kama gaboobaay dheh
Dimuqraadi gaaroo ka jirin dunidan guudkeeda
Gundhigguna qabiil yahay halkii lagu gardaadshaay dheh
Nin waliba ma geyo madaxnimoo waa hal soo gudhay dheh
Mudug iyo Garoowiyo, Qardhaa taa u goonniya dheh
Madaxweyne-Kuxigeen gashiya reero lagu gaadhye
Guddoonshaha Golaha nabe qolaa geesta loo dhigay dheh
Inta kale ka Garanuug xil qaran garabsan maayaane
Isku- gudubku kii gaasir baday beela guurtiya dheh
Afartaa gammuun ridey sidii gacalloow Dhoodaan dheh
Gubniyadoo Khaliif soo gilgilay gamasyadiisii dheh
Girligaan Qamaan soo kacshiyo layku go’dii dheh
Guutadii Darwiishkiyo sidii gaala erigii dheh
Awmuuse galab uu tashiyo xaajo guda weyn dheh
Guubaabo Cali soo tirshiyo Guba bilowgeed dheh
Gebiguu Salaan qaadan jirey gololadiisii dheh
Anna gobo’da aan kuu mudmudo igu gar weeyaane
Isin iyo siyaasado is gala kama gaboobaay dheh
Eex laysku garabsado Islaan gorof u haystaa dheh
Gaban gaban la dhaafshiyo qabiil xaqa ka guulmaay dheh
Ehelkiisa gaaryeel Suldaan go’a u dhaanshaay dheh
Garbo derejo aan geyin la sudhay ugu garaabaay dheh
Musuqmaasuq geda gaadhayoo xadhiga sii goostay
Gole Baarlammaan oo la gadan garo u dhiibtaay dheh
Goobaha xasuustale qabiil lagu geedaamaay dheh
Gole maalley iyo gaajo shacab uma garsooraay dheh
God shisheeye anu jooginoo laysna gubayaa dheh
Isku- gudubku kii gaasir baday beela guurtiya dheh
Afartaa gammuun ridey sidii gacalloow Dhoodaan dheh
Gubniyadoo Khaliif soo gilgilay gamasyadiisii dheh
Girligaan Qamaan soo diriyo layku go’dii dheh
Guutadii Darwiishkiyo Sayidii gaala erigii dheh
Awmuuse galab uu tashiyo xaajo guda weyn dheh
Guubaabo Cali soo tirshiyo Guba bilowgeed dheh
Gebiguu Salaan qaadan jirey gololadiisii dheh
Anna gobo’da aan kuu mudmudo igu gar weeyaane
Dawladaan garsoorkii lahayn kama gaboobaay dheh
Cadli geesta laga rariyo godob ugu gargaaraay dheh
Nin go’oo midkii ganay la deyn goob u goonniya dheh
Shacab goomman, madax wada galladan, guri la eedaay dheh
Ballan gaabisoo loo ged bixin, lagu gaargaartaay dheh
Argagixiso gacal loo noqdiyo, dano ku gaadhaay dheh
Geyigeeda oo maqan cadowga ugu garaabaay dheh
Khilaaf qaranka lagu gawdhiyaay, goonni wax u doona
Gobollaa iskaashaday dunida ula gebleeyaay dheh
Hadba xadhig gar loo jiido iyo, geedka murankaay dheh
Dhulkeed kala gobeeyaay xaqana, gebi ka xooraay dheh
Hadba godolba gunnuf baa arrimin, garab ku siiyaay dheh
Doorashada kolkay gaadho eed, laysku godolyeey dheh
Misna gabadintii kama kacdee, gelengel jiifaay dheh
Isku- gudubku kii gaasir baday beela guurtiya dheh
Afartaa gammuun ridey sidii gacalloow Dhoodaan dheh
Gubniyadoo Khaliif soo gilgilay gamasyadiisii dheh
Girligaan Qamaan soo kacshiyo layku go’dii dheh
Guutadii Darwiishkiyo sidii gaala erigii dheh
Awmuuse galab uu tashiyo xaajo guda weyn dheh
Guubaabo Cali soo tirshiyo Guba bilowgeed dheh
Gebiguu Salaan qaadan jirey gololadiisii dheh
Anna gobo’da aan kuu mudmudo igu gar weeyaane
Xisbiyo an waqood guul ku dhalan, kama gaboobaay dheh
Sir gammaamadiyo eel garbacad, guri ku sooraay dheh
Gaandheri sarkaal sheegan iyo, haayir garabshaay dheh
Gacal iyo xigaal soo martiyey, maganta guulaay dheh
Guryan iyo xabaal hore gocdaay, uunka godobshaay dheh
Guud caddaaga oo goob fadhiya, habar u giishaay dheh
Garays talada lagu aamminiyo, guumo koriyaay dheh
Geesiga liciifshaay nin raga, gucurka dhaafdhaay dheh
Gudmo iyo gantaalo is herdiya, gibil u waabaay dheh
Goblan tala Puntlaaneey tala an gaasa bixin waana
Isku- gudubku kii gaasir baday beela guurtiya dheh
WT: Abwaan Socdaal Maxamuud Cabdalle Jannaayo 08, 2019
Comments
Post a Comment