Gabayga Dadqallada Fadhiya Xamar 23/9/2020 By Abwaan Maxamuud Cabdalle

 Da’da gabay ninkii Daahirow dawga ugu sheega

Dawannada walow uu diroo tixaha soo duubo

Ka demane dadkani waano iyo duurxul iyo weedhe

Dadka maanta joogaan lahayn ficil dareenkiiye

Aan dig siiyo maansadu xaqay daalacii ii tahaye

Doorashada la deebaaqshey baan dood yar kaa odhane


Sowtii Kursigu deyn ahaa doorashadu maaha

Sowtii dalkuba iib ahaa doorashadu maaha

Sowtii codkuba dalab ahaa doorashadu maaha

Sowtii nin rabey duuli jirey doorashadu maaha

Sowtii jeebku daadihin jiroo door ka qaday maaha

Sowtii odaya dhaqameed dejeen doorashadu maaha

Sowtii cad lagu daaqi jirey darib shishloon maaha

Sowtii cadligu dawri jirey doorashadu maaha

Dulmigana la caadaysan jirey doorashadu maaha

Sowtii la kala doocin jirey doorashadu maaha

Isinkuna damaashaadi jirey doorashadu maaha

Doollarkana ku baashaali jirey doorashadu maaha

Sowtii dacalka loo dhaamin jirey doorashadu maaha

Dabadeed la been dhaaran jirey doorashadu maaha

Duf ku baxe la soo taagi jirey doorashadu maaha

Sowtii dillaalnimo ahayd doorashadu maaha

Lacag debedda laga keenay bixi loo dewerey maaha

Dal qalaad go’aankeed lahaa doorashadu maaha


Afartaa duxdii ararta iyo deelka maansada dheh

Dawaarrarada murtida haybad aan iga dibboonayn dheg

Dubbe aan u haystiyo dabuub dakharradeedii dheh

Haddii aanay dani igu jirrabin kuma denbaabeene

Qarankaa daleeloobey bay dib u guhaadoone

Soomaalida damiirkii ku hadhay dunatan gaadhsiiya


Doqonbaan dareen qabin naflaha jooga dunidaase

Durba way illowdaa wixii loogu daw galaye

Dakharradu ma doogtaan geddii ruux dareen qaba’e

Dabinkii dorraad lagu riday dalam tidhaahdaaye

War sow dawladnimo maanay dhiman duudsi lama yeelin

Sow waxa la kala doorayaa daa’imadii maaha

Afar sanoo dufule kale qabtoo dib u khasaarowda

Sow waxa dalkaba lala damcoo daw ka ridey maaha


Afartaa duxdii ararta iyo deelka maansada dheh

Dawaarrarada murtida haybad aan iga dibboonayn dheg

Dubbe aan u haystiyo dabuub dakharradeedii dheh

Haddii aanay dani igu jirrabin kuma denbaabeen dheh

Qarankaa daleeloobey bay dib u guhaadoone

Soomaalida damiirkii ku hadhay dunatan gaadhsiiya


Dadqallada fadhiya Xamar farriin damaqda gaadhsiiya

Ma diqoodayaashaa xaqii soo dul joogsadaye dheh

Eebboow, Ibliis baa dirsaday duulkan caasiyaye

Waa wada dillaal iyo mallaal doollar caabuda’e

Waa wada damiirlaawe iyo dooxatiyo jaane

Waa wada dameer aan kasayn qarankan diiftoone

Daaray ka jeexdaan arlada dalal shisheeyaade

Agoomaha ag dalanbaabiyaan saatan loo deyine

Deked iyo garoonnaba kiray dalal ku siiyeene

Nin diyaarad sii saaranoo duhurna soo saaran

Oo dano shisheeye u ordaa daakhilkaw galaye

Daacadi hungowdoo wanaag laysu dacareeye


Ma goblamin dalkaygii xaqaan daalacii imane

Dadkiisii ma dabar go’in walow jeex dumoo tegaye

Weli waa durduriyaan fardihii Dooxa-Dheer Gebiye

Dib jalleec bal taaiirkhdu waa dhaxal da’weynaaye

Waxa aan la diiqoonayaa daallin ii taline

Duxda eydii naga laastayee abid darkii taagan

Meel maato ay dudi kuweer sii durbaan

tumane

Madax suudh ku daanshoon caqliga doonni laga saaray

Oo caydha doca taagan aan dhab u danayne

Duumada qabiilkiyo inkaar daaro goboleedka

Aan kugu duul noolaado eex loo diyaarsadaye

Diin, diimo lagu hoos wadiyo iyo dariiqooyin

Dabaabaad AMISOM waddiyo qaaxo loo dedaye

Dunji guyrrayaa daaman weyn deyrka lay tubaye

Beel Caalam digo ololisoo diradirayn jeere

Ma dellegannay maantaa dugaag naga duxaystaaye

Eebbow kuwani dawladnimo ceeb ku daabace’e

Della malaha Soomaalidii damaca weynayde

Kuwa derejo aan haysanbaa maanta duub xidhane

Tan iyo dub u xorowgii dhibbaa duudka loo sudhaye

Dulli iyo gunbaa amarta iyo dirar xufaadkiiye

Waa dardaarankii Nebiga (SCW) oo igama daahnayne

Inaan dunida aarsado intaan diillintu istaagin

Qiyaamuhu daf soo odhan middaa duurka waw geliye

Daacuun Allahayoow u keen laalluush daba jooge

Doorashada ku sheeggaa Alloow xaqa ka soo daahir

Caqli doorka Eebboow talada daacadda u hiili

Xil dumaalka Eebboow ka yeel midan dhac donaynin


———-Dhamaad————


Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle