Gabay Axmed Samataroow By Abwaan Maxamuud Cabdalle



GABAY PROFF. Ahmed Samatar ku socda ka dib markaan arkay habowga professor-ka ku aaddan Midnimada Soomaaliya Gabayga magaciisa waa AXMED TALA SEEG:  ku lammaan halkan.


Axmed Samataroow maalinbaad seegtay taladiiye
Soomaalinnimadii adaa siistay derejaade
Sariibadaha lagu qaybiyiyo doortay surin baase
Qarannimo adaa soodhka daray saydhay halistiiyee
Shalay waxad ku socotiyo waxaad maanta sudun moodi
Caqligii malaha saaxi qaba waa ka selelaaye
Hiil-qaran su'aalbaa ka timi salaw la meerkiiye
Saadadii halyey kuu qabtaa sabab is weydiine
Sumcaddii adaa sarriftay iyo saajacnimadiiye
Subax qudha haddaad weydayoo saahid kula doonin
Sallaan damucu kuu diray haddaad sare geyoon weydey 
Tartankii haddaad siibatoo saqafku kaa meeray
Salfudayka qaarkii kol baad sahan habowdaaye
Sakatigu kolbuu kuu dantahay saawsaawaduye
Salaq dhabadka maahayn inaad sumucyo tuurtaaye
Soomaali kala qaybinteed subuc ku qaaddaaye
Inaad sumo walaaqdaa da'daa waa gef sina weyne
Bal sarriigo odaybaad ahayd saaxi loo qabaye
Siilaanyo hadimuu wadaa qaran sadhayntiise
Ka baq saatirkaa dunidu waa saacad keligeede


WT: Maxamuud Cabdalle

Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle