Cali Samatar

03/28/2011
“Soomaaliyoo dawladoo qaranku saan qaaday
Oo salab dirays ciidanloo nabad ku saacaysa
Cali Samatar Calankuu u siday sarow kaceediiye,”
Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine)
Gabaygan wuxuu soo baxay taariikhda kor ku xusan. Gabaygan CALI SAMATAR CALANKUU U SIDEY…waxa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalla (AL-MAKHIRI).
Mudane Cali Samatar oo maanta ah nin da’weyn, waddanka Soomaaliyana ka soo qabtay xilal sare oo wax ku ool ah. Sidaa uguma sii dheeraanayno taariikhda Maxamed Cali Samatar, waxan idiin soo gudbinaynaa gabaygii akhiris iyo dhegeysiba. Waa mahadsan tihiin.
Wuxu yiri:
Adduunyadan siyaadada waqtigan sebenka aan joogno
Nimba siduu arkuu uga hadlaa saxal wareeggeede
Sannahaaban Eebbow xumaan laga salgaadhayne
Saqda dhexe maraan xalay hurdada sabarka hayn waayey
OO aan sabansabdheeyoo qalbigu sawlax ledi waayey
Sifaalooyin ii muuqdaybaa ila silloonaaye
Soomaaliyoo dawladoo qaranku saan qaaday
Oo salab dirays ciidanloo nabad ku saacaysa
Cali Samatar Calankuu u siday sarow kaceediiye
Waa ninkii Amxaarada santolay seetadow xidhaye
Waa ninkii saqiir iyo kabiir sawraceed jaraye
Waa ninkii illaa sigistigii (60-kii) guluf ku soocnaaye
Waa ninkii safkii Goday watiyo sooma jeestaha’e
Waa ninkii sawaariikhda dhigay soolka Dhagaxbuure
Sumaddiisii Kaaramardhaan abid sal guurayne
Waa ninkii Wardheer sii mariyo suudi iyo Hawde
Waa ninkii Jigjiga subax galoo seemay qudhunleeye
Seben-Seben (77-kii) siduu ugu jebshaa lala sureeraaye
Waa ninkii sallaanka u ahaa kuman saraakiile
Waa ninkii sancada baray safkaa maanta caasiyaye
Sumcaddiisa duulkii yiqiin kuma safaadaane
Intaasoo sifaala ah ninkaan lala sinnaanaynin
Geesiga sujuuddale cilmina Saatir ugu deeqay
Miyaa haatan lagu soohayaa eed la saanyaday dheh
Afartaa sa’diyo saadka iyo siin ma ka higgaadshey
Dadbaa ararta kala suuliyee sadar ma qaadsiiyey
Site mawgu xidhay maansadii igu saloollayde dheh
Nimankii sadheeyee dalkii cadow ku saaciidey
Xabashida ku sooryeeyayee subax u iib geeyey
Miyaa siidhiya afuufayoo salow la meeraayaa??
Dulmi sacabka loo hoorsadaa waa sun iyo booge
Iyadoon sax iyo khalad midnaba aan ku kala soocmin
Marooday takari saaran tahay waa sarriig li’iye
Dawladdii dhexee Ina Siyaad sidey hoggaankeeda
Xukunkeeda waa loo sinnaa sir iyo caadkeede
Maxaa Maxamed loo saaran yahay waa su’aal mudane?
War eed kuma sargoysaan cidnaba saadadii hore’e
Duqii ina Saleebaan dafliyo Cumar ma saartaane
Axmed kuma saluugtaan sirtuu waaya hayn jiraye
Senterigii Kacaanka u adkaa ina Salaad Boyba
Safkii ina Xawaadiyo Cigaan saxar la weydiine
Sarreeyihii Ismaaciil Calaa saaka weli noole
Siilaanyo madax buu ka yahay dawlad saamminahe
CID-da kii ugu darnaa saydho may mudine
Maxaa Maxamed loo saaran yahay waa su’aal mudane??
Soomaaliyi ka dirirtoo xumahan way ka saleleene
Siddi qabaxda beenta ah horay uga sindhiidhiine
Saatirkiin ka baqa godobtu waa idin sugaysaaye
Anna gabaygu yuu ila sibqine waxan kusoo seeray
Nabsi saawa saawaa ka roon sama la haybshaaye
Salfudayka waa lagu hodmaa samir la’aaneedee
Email: mabdalle@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle