MUQDISHO
Maanso: MUQDISHO -W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (Al-Makhiri)
“Muqdishaannu doodnoo, madhax reeba bay tiri…anna mooyi baan iri, mawlaha dugsaan iri, midigtay go’day tiri, oohin baan la miirsaday,”
Maansadan waxan curiyey ka dib qaraxyadii dhowaan ka dhacay Muqdisho mar aan indhaha ku dhuftay fiidyow naxdin iyo argagax igu reebay. Iyadoo dhibaatadu in badan soo jiitamaysay, ayaa haddana xaaladda imminka Muqdisho ka taagan u muuqataa meeshii ugu xumayd. Waxay maansadu ku timi, xusuus aan dib ugu laabtay wakhtigii aan iskuulka Muqdisho ka dhigan jiray iyo beri samaadkii. Quruxdii iyo shacnigii ay lahayd Muqdisho xilligii iigu dambaysay ayaa maskaxdayda ku shaabbadaysan. Waxan xasuustaa maalintaan Somali Airlines aan ka soo raacay Muqdisho oo ahayd April 13, 1988; diyaaraddu markay nala kacday, waxan hoos u jalleecay dalkaygii hooyo meeshii ugu qurux badnayd. Waa Muqdisho oo sidii lagu naanaysi jiray “Muqdisha Caddeey” goor makhriba diyaaraddu kor uga kacday. Waxaad moodaysay caddaanta dhismayaasha nuur dhulka gedfey, nalalka waxad moodaysay gaaraa bidhaan lagu fidiyey. Dhirta waxad moodaysey higil madow oo lagu safay magaalada dhexdeeda. Waxa dekedda iiga muuqdey magaala yar oo wada iftiimaysa, waa maraakiibtii xaddi dhaaftay ee dekedda ku xirnaa. Waxan kaloo arkayey, diyaarado fadhiya, iyo kuwo soo degaya. Waxaanan marna illaawayn argtidii Minnaaraddii Dekedda, Taawarkii diyaaradaha laga hagi jiray, iyo milicsigii Dugsigii Tababbarka Xalane oo aan mar ku xeraysnaan jiray.
Waxan xasuustaa annagoo arday ah intaannu derbiga Xalane ka dhacno u lugayn jirnay ilaa Hawlwadaag iyo Hodan, iyadoo bela laga baqaa jirin. Waxan baro ii ahaan jiray wakhtiga fursaddayda Shaneemo Nasar, Kaah, Shantaraale, iyo Studium Mogadishu. Waxan aad u daawan jiray Hotel Shabelle, Jubba, Curuba, iyo dhismihii hore ee baarlammaanka. Waxan meel dheer ka qooraansan jiray Villa Soomaaliya iyo Xaruntii Nabadsugidda. Taallooyinka ayaan jeclaa inaan koro, sida tii sayidka iyo Axmed Gurey, laakiin had iyo jeer cabsi aan ka qabay askarta ayaan taa ii suurta gelin jirin. Waxa badanaa hortayda yimaadda aradaydii Dugsigii Sare ila dhigan jirtay, oo aan qaar badan weli wejiyadoodii xasuusto. Asxaabtaydii Dugsiga Sare ee Muusa Galaal, fasalka 4/4 waxan ka xasuustaa Cali Wajaale, Yaasiin Cali, Sahra Shiino, Timacadde, Khadan Istiillo, Cabdi Weyne, Raxma Shiikh Maxamed, Faaduma Yar, Sacdiya Canjeex, Abshir Ganey, Canab Qambi, Dhexyar, Naciima, Maxamed Cali, Cabdi Wardheere, Faarax Ganey. Macallimiintaydii: Maxamed Macallin, Caasha Geella Diiriye, Dhakalow, maammule ku xigeen Giriig, iyo maammule Axmed Garweyne.
Waxan kaloo fikir ugu noqdaa, deriskaygii, meheradihii ka furnaa agagaarka Baar Ubax, Carwo Idko, Gurya Samo, Hotel Salaama, iyo Baar Caasho oo aan la iga waayi jirin.
Intaas iyo xusuus ka dib, waxa hortayda timi Muqdisho oo ay ka muuqdaan haaraha dagaallada sokeeye. Waxaa maankayga gaday muraayadda aan ka daawanayey Muqdishadii hore iyo tan maanta ah. Markaasaan is weydiiyey, tolow Muqdisho saasay u dhalan geddoontaye, adigana maxaa iska kaa beddelay? Anigoo murugo la ildaran ayaan maansadan qabsaday, bal inaan Muqdisho kala hadlo amarrada ku dhacay, masiibooyinka aan kala joogsanayn, iyo hagrashadu meeshay ka timi.
Waxan soo dhowaynayaa qofkii fikrad ka dhiibanaya dooddan aniga iyo Muqdisho na dhex martay.
Afeef: Abwaannada aan magac dhabay, waa kuwo macruuf ka ah ummadda dhexdeeda. Sida maansadu tilmaamayso, waxay muujinaysaa in dedaal yari, iyo wacyi gelin la’aan dhankooda ah meesha ku jirto. Marna igama aha aflagaaddo iyo daandaansi. Akhris wanaagsan.
- Anaa doodda bilaabay waxan ku bilaabay:
- Muqdishaay mixnada badan
- Immisaa naf kugu maqan
- Immisaa miskiiniyo
- Waayeel maqaariyo
- Maxasley haweeniyo
- Maatooyin kugu go’ay?
- Immisaa maqaawiir
- Mufti iyo aqoonyahan
- Geesi magac lahaa iyo
- Marwa loo hanweyn yahay
- Odayaal mihiib gala
- Mansabkooda loo dilay?
- Immisaa mullaaxdiyo
- Dhallintii manka ahayd
- Miisaan habloodiyo
- Ubax madaxa qaadiyo
- Misigdheer carruuriyo
- Aan macallin laga tegin?
- Immisaa maggeydiyo
- Mahuraan walaala ah
- Masaar lagu jarjarayoo
- Lagu moosay iilkoo
- La mulkiyey xaqoodoo
- Deriskoodu mawtiyey?
- Immisaa murdiga iyo
- Mooryaan wax laysoo
- Mugdiyada istaagtoo
- Maryahana aan dhaafayn
- Kugu mamay mas iyo good
- Mariid iyo sun kugu milan?
- Immisaa mardabo iyo
- Madaxfurasho-doon iyo
- Tuugo malafsata’a iyo
- Dhiig miirad moqorra ah
- Magan kuu ahaadoo
- Weli kaa maggawsada?
- Immisaa maqiiqiyo
- Dagaal ooge melegiyo
- Halaq iyo mir kaa kacay
- Maangaabka qaarkii
- Taladaa maroorsaday
- Kuu istaagay miilada?
- Immisaa ma guurtiyo
- Maal kugu burburayoo
- Hanti maammul leeyahay
- Lagu moora duugoo
- Miyigana la geeyoo
- Aan maaro loo helin?
- Immisaa mad-habadiyo
- Mawlac kaa dhex furanoo
- Muumminkiyo munaafaqu
- Midba magac u bixiyoo
- Lagu muransan yahayoo
- Muraadkooda la ogayn?
- Immisaa masiibiyo
- Mahadhooyin kaa dhacay
- Mashaqooyin kuu dedan
- Weli aan la magac dhabin?
- Muqdishaa iyana doodda qaadatayoo waxay ku bilowday:
- Maanlaawe wiilyohow
- Sheekadan mareegta ah
- Maskaxdaan u furayoo
- Muddacdaye markaagii
- Anna waa markaygee
- Taydana bal iga maqal
- Muuqayga baaba’ay
- Magacayga dhaawacan
- Muunaddayda dhalan rogan
- Masiirkayga baylahay
- Aan kuu micneeyee
- Maandhow war iga hoo
- Taariikh muquuna leh
- Mudda kun iyo alifya ah
- Macruuf baan ahaayoo
- Madxafyada wax lagu qoro
- Meel kastaba adduunyada
- Maamuus baan lahaan jiray
- Mawlow ilaah baa
- Meel mudan iga unkoo
- Makaan iiga dhigayoo
- Milicsiga dushaydaa
- Mid yar iyo mid weyn gebi
- Dadka muuso gelin jiray
- Boqorraa i maamulay
- Masuul iga ahaayoo
- Masjiddada ilaahiyo
- Maxfallada dadweynaha
- Taallooyin mudha iyo
- Daara miidhan iga dhigay
- Waqtiyaa i soo maray
- Gumeysigu i mehershoo
- Milxil laygu qabayoo
- Walow lay mohoobiyey
- Milgadaydu dhicinoo
- Maato igu noolayd
- Waqtiyaa isoo maray
- Halgan laygu meershoo
- Ubadkaygu muuqdoo
- Xornimo u maleegtoo
- Miidaamo dhegaliyo
- Masas aan ka nabad galay
- Waqtiyaa i soo maray
- Calan midab qurxooniyo
- Mansab dawladnimo iyo
- Minimada dadkaygiyo
- Gobannimada mahadshoo
- Maqaamkaygu sara tegey
- Waqtiyaa isoo maray
- Majaruhu adkaayoo
- Mataanahayga iga maqan
- Muhasho u hilooboo
- Taladoo maroortiyo
- Muruq sheegad iga diray
- Waqtiyaa isoo maray
- Musuqmaasuq ba’aniyo
- Qabiil igu maxaafsaday
- Jabhad moora dhiigla ah
- Cadow soo makaabsaday
- Mudka iga wareemeen
- Waqtiyaa isoo maray
- Cudur igu marnaayoo
- Maal iyo kud iga baxay
- Meel kastaba dushaydoo
- Hule cunay maqaarkoo
- Maja-gooye igu dhacay
- Waqtiyaa isoo maray
- Mililkiyo hurgumadii
- Maaruqeen xubnaha oo
- Maskaxda ay ku urureen
- Dixri muudsi jeceliyo
- Gale miirta feedhaha
- Waqtiyaa isoo maray
- Mariil aan ahaadoo
- Miyirkaygu doorsamay
- Marya-boobka waallida
- Maxaadh laygu gubayoo
- Nin waliba i maammulay
- Waqtiyaa isoo maray
- Maad layga dhigayoo
- Masaawiir naxdina iyo
- Murugadayda lagu qoray
- Maan-habowshe jaaniyo
- Malaayiin wargeysyo ah
- Waqtiyaa isoo maray
- Maraykaanka iyo Yurub
- Iyo duul manaaba ah
- Muska ii galeenoo
- Dibindaabyo mooyee
- Midhna aanay ii tarin
- Waqtiyaa isoo maray
- Madaxweyne-doon iyo
- Ninkastoo sir maaggani
- Maal igu tabcadayoo
- Maandooriyaashiyo
- Sumo laygu soo miyey
- Muddo iyo dhowaalena
- Murugo iyo ciilbaan
- Aan la maarsanaayoo
- Miciin laawayaashii
- I muddaahanayn jiray
- Mid kalaa ka daba timi
- Cadawgii i meel tiray
- Makas iigu baaqdiyo
- Masalooyin ugubiyo
- Diin la marin habawshiyo
- Ubad miino lagu xidho
- Sow meesha may iman?
- Masiibooyinkii dhacay
- Mahadhooyinkaan maray
- Ma qof moog ayaa jira?
- Ma filaanka maanta ah
- Hadii anan malaasnayn
- Ma rajaa cid ugu maqan?
- Dooddii ayaan ku soo laabtoo waxan idhi:
- Inaad magac lahayd waa
- Lagu soo martiyi jiray
- Milgo iyo sharaf iyo
- Maydaanka gobannimo
- Majliskii dalka ahayd
- Anaa kuu markhaantiya
- Mahurtiyo dadkaagii
- Bulshadii midka ahayd
- Magacaa qaddarin jiray
- Mudhxis aan wax reebayn
- Mooryaan murdiya bay
- Meesha uga carareen
- Muqdishaay war li’idaa
- Sidee maanku kaa yahay
- Sow macawis gaabiyo
- Mergisiib dadcuna iyo
- Masaskii Bakaaruhu
- Maqsin kuuma jiifaan
- Hoygii mudnaayeey
- Maqaamkii xorriyadaay
- Hooyadii midnimadaay
- Maskaxdii aqoontaay
- Amarkiyo mushkiladahan
- Mawlaa kaa dawayn kara
- Muqdishaa dooddii ku soo noqotoo waxay tiri:
- Inkastoo majnuuniyo
- Macangag iga buuxaan
- Maxishoode iyo liid
- Igu wada madiixaan
- Masaakiinta igu nool
- Malyan waa ka badan yiin
- Belaayada i miratee
- Muslimka iyo gaalkuba
- Iiga maara waayeen
- Abaal moogayaashii
- Mujo kuwaan ku koriyiyo
- Maqanaa dawayn kara!
- Murti yahan abwaankii
- Muxuu igaga maarmaa?
- Midkii igu masuugoow
- Mintidkii qabiilkiyo
- Muusannowgii reer hebel
- Miyaa kula habboonaa?
- Siciidow maxaa dana?
- Hadraawow maxaa gara?
- Abshiroow maxaa dhaba?
- Dhoodaanow maxaa liba?
- Gaarriyoow ma dhuumoo
- Dhoobo isku maydhbaa?
- Majliskii aqoonyahan
- Muxuu igaga maarmaa?
- Manhajkii Lafooliyo
- Mawaaddii Gahayr iyo
- Sow macaahiddaydii
- Siidam meesi kama bixin?
- Malyuun iyo malyuumaad
- Mahurtooy rag iyo dumar
- Meel kastaad ka buuxdaan
- Misna ima daryeeshaan
- Maahir iima soo baxo
- Masiirkaygii waa lumay
- Dooddii murugay gashay iyo caloolyow sidan baan ku soo gebagebeeyey:
- Muqdishaay magooleey
- Murti qaaliyaa tiri
- Mahuraanka jiilaal
- Waa maadha cawskii
- Milaygiisa lagu ledo
- Doog lagu mihiibaa
- Qaran muunaddiisii
- Marka aan ku milicsado
- Waa iga madowdahay
- Misna waxan iraahdaa
- Maankayga geliyaa
- Rajaa muuqan waa uun
- Maantay u daran tahay
- Mawjado colaadoo
- Diin loo makaabsaday
- Ma nixiyo habaarqabe
- Mintid aan wax geli hayn
- Misciriirta kuu roge
- Muqdishaay magooleey
- Allow yaa mar murugada
- Kaa maydha dhiiggoo
- Mindiyaha qarsooniyo
- Miinada qarxaysiyo
- Madfacyada habawga ah
- Kaa xijaaba moortaha
- Allow yaa marsada iyo
- Marinkiyo garoommada
- Muuja haybaddaadoo
- Mahwigeeda Xamar Weyn
- Maddiina iyo Waabberi
- Nabad weyn ku maammula
- Muqdishaay magooleey
- Allow yaa mudiirriyo
- Kumanyaal mutacallimay
- Masuul kaaga dhiga oo
- Malaayiinti kaa qaxay
- Dib u soo majiiroo
- Hoyna uga meel dhiga
- Allow yaa Minaa iyo
- Maka iyo Maddiiniyo
- Meel nabada kaa dhiga
- Markasyada cilmiga iyo
- jaamacado muuna leh
- Makaankooda kaa dhiga
- Allow yaa makhluuqaad
- Muslinka iyo gaalkaba
- Madowgiyo caddaankaba
- Maarriinkiyo Casaankaba
- Meel layku magansado
- Mus barwaaqo kaa dhiga
- Muqdishaay magooleey
- Talo waata Maalige
- Anna miinka maansada
- Yaanan muusaraarine
- Waxba sida magaratada
- Yaanan muusannaabine
- Mawluhu ha kula jiro
W.T: Maxamamuud Axmed Cabdalle (Al-Makhiri)
Xiriir: mabdalle@gmail.com
Xiriir: mabdalle@gmail.com
Comments
Post a Comment