DUMAR




Dumarka waxay u roonyiin 
10/03/02 Tiriye: Maxamuud Axmed Cabdalle (Al-Makhiri) Gabaygan waxan tiriyey malintan kor ku xusan. Waxa igu kallifay tirintiisa waa iyadoo bulshada soomaaliyeed ay had iyo goor dhaqankeennu siduu ahaan jirey ka doodaan. Haddaba gabaygani waa mid tusaale ah, ugamana jeedo inaan dumarka qaar hoos u dhigayo. Gabaygu xaqiiqada kama fogaado si kastaa oo aad u dhuudhuubtid  waa haaddaad gabyaa tahay.


Qaybo kale oo raga, fardaha, geela, adhiga ah ayuu gabaygani leeyehee la soco
Gabaygu sidan ayuu u dhacayaa. Waxii faallo ah: mabdalle@gmail.com  ku soo hagaajiya. 

Wuxu yiri:

Dumarku waxad ku raacdaa markay damac lahaadaane
Waa inaanay da'weynayn middaad guur u dayataaye
Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye
Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye

Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye
Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne
Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe
Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye

Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane
Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine
Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye

Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye
Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone
Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye

Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye
Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye
Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye

Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye
Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye
Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne
Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye

Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye
Waa inuu ku daaraa udgoon deyrka ka horowe'
Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye
Dar ilaahay waa inaad qalbiga uga ducaysaaye!




Email:mabdalle@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle