Somali Doona



Sannadda 2015 Soomaaliya weli waxay cagta ku haysaa waddadii burburka, waxad mooddaa ninba ninkuu ka liitey inuu hoggaanka uga horreeyo. Gabaygan Soomaali Doona abwaan Maxamud Axmed Cabdalle (Al-Makhiri) wuxu u ka tiriyey wadciga waddanku ku jiro dhegeysi wanaagsan. 

Waa seben damiirkii dhintoo lays dirqiyayaaye
Waa seben ninkii daacadihi xil u dareerayne
Waa seben dunjigii magaca iyo dooxmay sharafkiiye
Waa seben la dhalan doorsamooy daafta wada taalle
Waa seben dayuus kii ahaa derejo haystaaye
Waa seben dariiqooyin iyo diin collow tahaye
Waa seben dubaakhiyo caqligu doollarkii galaye
Waa seben hablihii dahab ahaa dereggu haystaaye 
Waa seben dillaal iyo mallaal diiraddow sido'e
Waa seben dareen midan layn daadahayn qarane
Waa seben kun calan oo darxumo loo diyaarsadaye
Waa seben Afrika daaman weyn loo ammaan diraye
Waa seben imaarado dayacan dawlad loo bixine
Waa seben Nicolus Kay dalkaba diiqa weyn yahaye
Waa seben dadkeedii xeryaha deyrar loo dhigaye
Waa seben dalkeeday ku tahay duul ajaanibaha'e
Waa seben umula dooxa dhacay aan damqo lahayne
Waa seben dabaabaadka iyo miino duug tahaye
Waa seben dil miidaamo iyo qaraxu duulaaye
Waa seben dam laga siin shacbiga diillin loo marine
Waa seben nin wali duub xidhoo dooni madaxweyne
Waa seben daldalo ay tahooy mooraduug tahaye
Waa seben ninkii maal dejiyey deyn ka baqanayne
Waa seben xaqii daa'inkay daalac loo nacaye
Waa seben la dawdabi xinjiro sun iyo deebaaqe
Waa seben dellegey dawlad iyo danihii Soomaale
Afartaa daleeyee waxaan dacal ka raacsiiyey
Amxaaradu waxay dooni waa loo diyaafadine
Daaroodkan dabaroorayaan diidey odhanayne
Hawiyaha caqligu dayriyaan dood ka celinayne
Isaaqoo durbaanka u tumay soo didooy odhane
Raxanweyn dalkooday ku dari daba idiinleeye
Dirna waw absheeganahayaa maalma dabadoode 
Afartaa dareershaye waxaan geesta kaga daabi
Dan habowday, duul wada rogmaday, qaran daleeloobey
Dad dayacan, darxumo aan dhammaan, shacab dugaagoobey
Madax daacadwaa, cadow dirsay, eexna lagu deyrey
Wadaad duuley, duullaan u duman, dili qofkuu doono
Aqoonyahan dugsada reer, cilmina doodaha u haysta
Duqay toobad gabay, oday derderan, daallin talinaaya
Dhallin aan digiigixan, caqliga laga dubaaqeeyey
Dumar iyo dhallaan lumay, adduun loo dewerinaayo
Waayeel dug jiifiyo, curyaan naafo dibad jooga
Dalkeennaa ku caanoo nin ogi kaga dardaarmaaye
Hadday waano idin damaqdo oo idin ku deexayso
Dawadeennu waa qolo inaan deyr iskaga oodno
Inaan diidno kala sooca iyo siraha loo daahey 
Diiwaanka reer hebel inaan diillin marinnaaye
Dastuurkaa Mahiiga iyo Kay deli ka xoornaaye
Tani dawlad maahee inaan dib u yagleelaaye
Derbi Maammul Goboleedka inaan duminno xeerxeere
Dalkoo kala go'ana waa inaan nacab ka diidnaaye
Duddadeeda Xamar waa inaan xaq u duwaynaaye
Waa inaan dib loo maqal qabiil qaybta daadihine
4.5 waa inaan diillin marinnaaye
Waa inaan dulliga tuurno iyo daara qaybsiga'e
Waa in cadowga lookala dusiyo duud markii hadho'e
Waa in degel ku kala oodkan iyo deyrku soo dumo'ee

WT. Maxamud Axmed Cabdalle (Al-Makhiri)

Email:mabdalle@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle