“Axmed” Geeri daadii Qalbigu ila Guhaadowye
Waxaana Halkan idiinku soo gudbinaynaa gabay Qiiro xambaarsan oo la tiriyey kadib Dilkii Arxandarada ahaa ee loo gaystay Weriye Axmed Saakin Faarax oo Maanta lagu aasay Magaalada laascanood.
Axmed geeridaadii qalbigu ila guhaadowye
Gacal kaa xanuunsde walow iilka lagu geyne
Gacan kaa xaqdaranbaa haddaa guudka loo sudhaye
Godka lagu janneeyoow adaw guuray meel wacane
Wax maad galabsan, uunkii ku ganay, waw goblamayaane
Waxan gocan shan kuu gaar ahaa oon gudbinayaaye
–
Gelin dhow caruus baad ahayd gaari guursadaye
–
Gelin dhow caruus baad ahayd gaari guursadaye
Guri baad masuulkii ahayd golaha qoyskiiye
Gacal kugu hirtiyo waxa ku tebi gacaladaadiiye
Dhiiggaagu goobtuu ku dumay waa gol noo mudane
Garab nagu bannaanaa hadduna goorxunbay timiye
Allahayoow ku gaadhsii jannada golihii weynaa
–
Go’doonkeeda Laascaano iyo silica loo geystey
Go’doonkeeda Laascaano iyo silica loo geystey
Gumaadkiyo xasuuqiyo dulmiga guudka laga saaray
Maatadeeda gawraca mutiyo, goorrintiyo, tawsta
Geesi u guntaday baad ahayd cadow ka giigaane
Garab nagu bannaanaa hadduna goorxunbay timiye
Allahayoow ku gaadhsii jannada golihii weynaa
–
Raggu iilka waa geli jiray goor ay joogtaba’e
–
Raggu iilka waa geli jiray goor ay joogtaba’e
Goob laga baroortaa ku badan godanka Soomaale
Gaashaan bir iyo baad ahayd gole dugsoonaaye
Runta kama gabbade baad ahayd xaqa ku gaadhnaaye
Garab nagu bannaanaa hadduna goorxunbay timiye
Allahayoow ku gaadhsii jannada golihii weynaa
–
Giiryaale fulay baa ka qaxa gabadintiisiiye
–
Giiryaale fulay baa ka qaxa gabadintiisiiye
Adaa geed adayg iyo ahaa geesi aan biqine
Ummadda u gargaaraad ahayd garab aan liicayne
Gebi baa ku dumay reerahaad gacal ahaydeene
Garab nagu bannaanaa hadduna goorxunbay timiye
Allahyoow ku gaadhsii jannada golihii weynaa
–
Qofba wuxu galaa laga guntaa guudka dunideere
–
Qofba wuxu galaa laga guntaa guudka dunideere
Waxaad qalin ku gunuddaa rag kale qori ku goosteene
Guubaabadaadii la maqal gees la joogaba’e
Galiilyaan ka qaadiyo inaan gama’ la diidaaye
Garab nagu bannaanaa hadduna goorxunbay timiye
Allahayoow ku gaadhsii jannada golihii weynaa
–
WT. Maxamuud Axmed Cabdalla (Al-Makhiri)
–
WT. Maxamuud Axmed Cabdalla (Al-Makhiri)
Email: mabdalle@gmail.com
Comments
Post a Comment