BAAQ NABADA BAAN XAMAR U DIRI
Maansadan waxa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalla [AL-MAKHIRI]. Maxamuud waxa uu ku sugan yahay waddanka Maraykanka. Waa abwaan horeyba u soo lahaa maansooyin qaaye leh, horey na kaga soo qeybqaatay silsiladdii loo yaqaannay "Doodwanaag". Maanta, waxa Maxamuud uu dib u shidayaa ololkii GOBANNIMO.
BAAQ NABADA BAAN XAMAR u diri, labada baalloode
Barbarrada xarbiyayaan wanaag, baaninahayaaye
Birmageydadaan doonayaa, inay badbaadaane
Beladiyo colaaddaan dadyohow, baaja leeyahaye
Soomaali waxa bi'iyey waa, bah iyo reer reere
Bili beena iyo madaxnimiyo, baashi baan ahaye
Qarankeedi goortuu burburay, ee la kala baydhshey
Hadday bahala dirirtaa sidii, beer fircooniyaahee

Nin walbiba badsuun baa hoddiyo, beegsi magac weyne
Bal inuu caqligu wada bukooy, maanka wada beeshay
Waxa biraha loo tumanayaa, buul horaw dumayee

Afartaasi waa baaqan diri, nabad u baaweyne
Waa beer walaaliyo kalgacal, biiro, iyo waano
Afar kalena waa boorrin iyo, beyd xusuus mudane

Baaddilkii qabiilaysigiyo, boqontii lays heeray
Bilaash gawracii maatadiyo, bederradii le'eday
Baroortii habeen iyo dharaar, bogox ka yeeraysey
Muqdishaay nabsigii biiraybaa, haatan soo baxayee

Beergooyadiyo, boqol jirkii laga xishoon waayey
Cawradii la buubsanahayee, ee la bixin waayey
Birta sebigii lagu gawracee, bahalka loo xooray
Shiirkole wixii booldhay oday, lagu biraynaayey

Kaaraan wixii mayd baryaye, BMku cantuugay
Suuq Bacaad wixii dhiig burqaday, bilistu yuusaysay
Nasiib Buundo wixii baas cuskaday, baanji lagu laayey
Wixii beyd nin kale loo dhacaye, boobka lagu qaatay

Baduuggii Curuubiyo, Jubbiyo, baro dalxiisaadka
Bamkii bilicda Xamar Weyn ka dilay, boobihiyo jiibka
Madfacii halkuu beegsadaba, lagu butaacsiiyey
Barakaciyo kala oodankii, baylah buu dhalayee

Maantana ma bela qoon wataa, kugu butaynaaya?
Ma baab diina bay taagan tahay, waxad barooddaaba?
Is biimayn miyaa lagu dilaa, boqol masaakiina?
Bulshadii intii kugu hadhaa, beebbe lagu seemay?

Rabbiyow badbaadiyo kusii, nabadda oo baahda
Berya hodantigaagii markale, lagugu soo booqdo
Beladiyo allow kaa xijaab, baaskan kugu raagey
Barbaartii samaha lagu yiqiin, kugu barwaaqowdo

Afarkalena buun qayla dhaan, baan ku dirayaaye
Bi'i waaye Soomaaliyeey, bariya ciiddeenna
Baallaha kalow soo birmada, beer qudhaa nahaye
Bari iyo Waqooyow tashada, banaha soo awda

Nabsigu waa belaayee ka baqa, beladu waa guule
Bawdada walaal niman asturin, duni ku baayaalye
Berraa cadawgu soo beegayaa, baasha ula noole
Tolla'ayeey bog Soomaaliyeed, yaa u boyn waayey?

Comments
Post a Comment