GUUBAABO QARAN...


W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (Al-Makhiri)
Email: mabdalle@gmail.com
10/31/2006
Faafin: Nov 5, 2006

Hordahc:
Gabaygan la yiraahdo GUUBAABO QARAN, kaasoo ka hadlaya xaaladda guud ee dalka. Maaddaama lagu ogaa abwaanku inuu bulshada tusaaleeyo, waxan halka kaga qisoonaynaa horay iyo gadaal wixii waddanku soo maray iyo weliba saadaal xagga mustaqbalka ku aaddan. Akhris wanaagsan. 
Afeef:
Gabaygan la magac baxay GUUBAABO QARAN waa mid xambaarsan ulajeeddooyin badan, kana duulaya waqtiga haatan waddankii ku sugan yahay. Qofkii raba inuu faallo ka bixiyo ama wax naga weydiiyo, waxan jecelnahay inaanu ku degdegin oo marka hore si fiican gabayga u dhuuxo/fahmo. Mahadsanid. 

Wuxu yiri:

Goonlaha libaax wax badan garab ku taagleeyey
Gabow uu haleeloo gadhkiyo godaya lawgiisa
Oo gooni socodoo beryahan gabay itaalkiisu
Ay gaaja kala qaartayoo gibil madoobaadey
Oo goodirkii iyo ka qaday geriga jiidhkiisa
Gawskiisa hilib uu geshaa bilo kusoo gaadhey
Hadba wuxu yar gaan-gaambiyoo gorodda laadshaabaKoluunbaa nasiibku u geshaa gaan wax weerariye
Raxan dibi ku gawdiida baa guulle kulanshaaye
Gaaddada kolkuu soo dhigtoo gooha damin waayo
Goosha iyo yaridkaa ka baqa inuu gallaaftaaye
Kolkuu goosto dhawr jeer ayuu gudub u foofaaye
Aniguna geddiisii ninkaa gaydh qabaan ahaye
Kolkii la is giguun-baan sedkay gobol cantuugaaye
Maantana gedaha muuqdabaan gebi ka faalloone
 
Afartaasi arartaan guntiyo gamasyadaydii dheh
Mawjado is garaaciyo baddoo gebiga soo jiidhay
Gu’ga oo kaliil soo curtiyo gumucyadiisii dheh
 
Wax dhaaxaan u geylamay inaan sharaftii giijaaye
Qarannimada garab joogsadoo gaadhka ka hayaaye
Gungumiyo abees wixii na ganay goodkii nagu yaacay
Gafaniyo qaniinkii na jaray garabcaddii naaxday
Goblamooyinkii Xamar dunshey guduridii leeftay
Kuwii gawracee maatadii gobolba meel aadshey
Gaala raacyadii soo bixiyo goosatiyo tuugta
Ee godanba magac u baxshee calamadow gaaftey
Giddi xabashi noo soo gashay ugu gargaareene
Gabbal baasi maantuu u dumay geyiga Soomaali
Ee calankii gaashada lahaa cadowga loo geeyey
Godkii nala ku ridey baan wallee gudhada jiifnaaye
 
Afartaana gees baan u dhigay oo ma gaasiro eh
Gawdhgawdhi maayee murtida maydin garansiiyey
Gunta gabayga meeshaan u wado ma u gawaan raacshey
 
Kud ka guur qanja u guur hadday gelinba kuu joogto
Gudcur dama adoo gudaya iyo gegi habaas weynle
Geed qodax ku saydhiyo adoon gocondhadow jeedin
Galawgiyo waraabuhu aduu kugu guraabaasay
Gurraacada maskiyo kuu ureen gocorka waabaydu
Gawdiisa fooraha aday dhiillo kugu gaaxdey
Gii’diisa aar goonlihii gebi ka yeedhayso
Gurdankii dugaagiyo adoon geedka kala saarin
Oo habas ku guul guuli iyo jalawda guumaystu
Oo aan gayoobine deyoow gees u dulugleeyey
Xiddigaha middii galac tiraad guruxa saartaaye
Gaaraa bidhaankaad iftiin gibina mooddaaye
Geddaasaa naflaydii arlada ugu guhaadoone
Dawlad garab gashiyo waa ka samir qaran golayntiise
Gar cadaawe goob lasku galay meel la kala giigay
Giniista Afrikaankiyo Amxaar gacan togaaleeyey
Gamboolayda carabtuna Namruud kuu gol qabataysay
Godob maammul lagu soo dhisoo gubadka uun yaalla
Geeddiga dameer lagu rariyo gaabis socon waayey
Geedkaa ha gaadhina sirbaa lay gunaanadiye
Shir kastoo la galo waa illeyn gocasho kuu reebye
Ummaddaa la kala gawdhiyee ee la kala gooyey
Danteedii hadday garan lahayd dhibi ma gaadheene
 
Afar kale gadaafaha nabsigu gelinba waa cayne
Girligaanka soo guuxi iyo sebenka gii’leeyey
Quwadaha gedoodiyo magliga soo gangaansamay dheh
 
Ayaamahan is gurayiyo waqtigan sii gabaabsiyaya
Gumaadka iyo aanada batiyo dhiigga gobo’leeyey
Geyigeer abaaroobey iyo badaha soo guurey
Kaymaha galoolkii madhee qudhacu gaajooday
Ee ay goofafkii haawadeen gu’gu ka soo raagey
Webiyadan yaxaaskii ka gudhay hoos galgalanaayo
Dabaylaha gufaacada kacshee eed gudgude mooddo
Xayawaanka gaag belay ee goostay faracoodu
Muslinkaa la gaasiray naflaha gawda laga saaray
Gulufkaa kharribay Jeejniyee lagu dul gawriirshey
Gardarrada mutuxan iyo hadh galay gamaska dhiigaystay
Ciraaq gabawarkeediyo afghan garabka naafoobey
Falastiin gabbood li’ida iyo silica loo geystay
Diinteer kun gaan noqotay ee la isku gaadaayo
Guutooyinkeer wayraxee miinada u gaatey
Ee gaban is miidaamiyiyo gabadh itaal mooday
Ummadaha is garab roorayee godinta soofaystay
Hubka soo gardaadsanahayiyo belada guuxaysa
Gumucyada atomikaadka iyo sumaha gawdiida
Giddigoodba waa aakhir saban gebagebayntiiye
Fidnaa soo gafuur weyn wallee nabadi waa gawe’
 
Afar kale digniin gaara iyo gole ka faallayn dheh
Waaga galalacdiisiyo shamsada gumucyadeedii dheh
Axmed Gurey gammaankuu watiyo gulufyadiisii dheh
Kol hadduu abwaan gabay tirsho amase geeraaro
Garashiyo aqoontii naflaha ugu galliimeeyo
Sow meesha inuu soo geshaa gob’oda sow maaha?
Geeska Afrikaad baa beryahan galow ka qayshaaye
Gurmadyaa lakala geynayaa labada geesoode
Gujo nimay ku raagtoo naxdini goob walba u joogto
Geerida horteedii nimuu goosmay ubadkiisu
Oo gacaladiisii hadh galay iilka lagu gaabshey
Wuxu gooho leyl dhexe cidlada ciil la golosleeyo
Ninkii gacan u fidiyaba marbuu gacalkii moodaaye
Godob buu tirsanayaye haduu dirirta soo gaadho
Gaashaan biriyo buu noqdaa geesi aan biqine
Gudeeddii dagaal oogihii loogu gorofaadshey
Jihaadkuu la galay suudi iyo duulki garab joogey
Galladdii ka soo waaddaybaa loo gol leeyahaye
Goortay maxkamaduhu hanteen guusha libinteeda
Xaqu inuu gardaadinahayaa guurow loo tumaye
Kolkii ay Indhacadde u godleen lays-la-garan waaye
Shuurada kolkii lagu galda’ay gole la maageeray
Ee gaysh qabiila ah la yiri qabo guddoonkeeda
Ee gaar ahaan looga dhigay lays-la-garan waaye
Agoomaha gunuusee Markiyo, Gedo ku baayaalay
Guutada intay garab marsheen gebi ma laaceene
Goortay Kismaayo u gudbeen lays-la-garan waaye
Burco gelelefkeediyo fidnada haatan gami weyday
Hiiraan wadaaddada gabbacan ee gilgilanaaya
Gaalkacayo goortay damceen lays-la-garan waaye
 
Afar kale gorfayn iyo talaan uga gudbaayaaye
Guubaabo mooyee arrini waa mid gaammuraha’e
Garba duubi maayee runbaa lagu guddoonshaaye
 
Xaajadii gurracantaa in badan laga giriifaaye
Xaqu gaabin maayee haddii diinta lagu gooyo
Geyigaan ku noollahay haddii nuurku wada gaadho
Godan waliba waa doogsanlaa guulle idankiise
Waxse gama’a ii diidayee dhiilladay geliyey
In khamiis la ii soo gashado ii gabbado tuuge
Kolkaa inay gablooshaan ka biqi la is gabraartaaye
Dhaawac goorrintaa muuqatiyo galabba reer laynta
Waxa soo gumaamadan qalbigu ila gulaallaaye
Goblamoow Zinaawiga amxaar gaadhka daba jooga
Iyo guul darraystaha la jira garab ka doonaaya
Giddigood jihaadigu hadduu gaar isugu qaysho
Talibaan geddoodii haddii guriga loo waabo
Oo tima-caddiyo geyshyo kale la isku soo gaadho
Haddii la isku galo xeradayada la isku soo giirto
Oo maatadii goommanayd gu’ iyo dayrtiisa
Lago gubo maadaafiic mar kale kuma gelaayaane
Gashi waxad ka doontaa nimaad geda taqaannaaye
Ninkii gabadin kuu rari haddaad igu gargaar weydo
Durba looma guuxee hubsaad kaga geyootaaye
 
Afar kale xusuus guud haddaan gobol ka soo qaato
Oo aan gondaha hoose iyo dhawro gogosheenna
Runtu inay gawaan jooga tahay gar alle sow maaha?
 
Dadkaygoow garaadkiinna lumay gocasho oygiina
Guuldarradiyo ceebtiyo wexeer ciilku nagu gaaxdey
Guhaaddiyo dhibkii layna baday kama gedoodaane
Waa hooyo kii guursadaa waa adeer gar-ahe
Ninkii idin gumaadaad xumaan ugu garbaysaane
Good laba afla ah iyo kolkay mici gabaarraydu
Idin goosataa baad ilmada gobo’ ka siisaane
Kolkuu gacan ku dhiigluhu ilkaha gabal idiin muujo
Sacabkow garaacdaan sidii geesi caan baxaye
Gadaalna uma dhugataan wuxuu geystey waa hore’e
Shalaytoo gabaahiiradii oonku idin gooyey
Gacma hoorsigii iyo qaxii gaaja dalandoolka
Maata gawracii gees ka gees dhiiggu gabaxleeyey
Godkay maanta taalbaa ka daran gabawarkeenniiye
Caqligaan gulaallayni waa garan karaayaaye
Anna waan gorfayn jiray murtida gole ka fuulkeede
Guntina mayo dhuuxiyo laftaan idin garwaaqsiine
Guubaabo qaran baan tirshee geliya laabtiina

Afartaana gibilkaan ku xidhay gabayga aashayda
Maansadan ga’leyda ah anaa guulle ii wacaye
Gefna lama hadlee gabayga waan soo gunaanadiye
 
Toban iyo lix sanay gaaxsanayd gobada maandeeqe
Gacan midiglihii dheelmiyaa weli guhaadayne
Geesna uma bed qabo oo hadday gooha oloshaaye
Gabanaday dhashiyo waa le’deen kii godli lahaaye
Gaajay u hoobteen dadkii gebi ku noolaaye
Siday u gudhay goonyaha arlada geeri loo badaye
Gasiin kale ha joogee baryaad gorofsanaysaane
Dirirkii gu’yaad iyo la waa gamashki dayreede
Gawlaha diraaceed la mood xays gabaabsiya’e
Isha gulucle soomaalidaa silic la gawdiidda
Waxay galabsadeen baad ilaah kaga gudaysaaye
Maantana gufaacooyinbaa soo gadaal noqone
Geyigaa ogoomoobey baa loo gol leeyahaye
Gadhwadeen Amxaar iyo wadaad madaxnimow gaaftey
Iyo cadow gabraartaa hodiyo goosatiyo tuuge
Garab sheegte oo qarankayagii waa gelgelintaase
Gawaan raacu yeelkiis nimaan taa ka gubanayne
Gumownaye ha noolaatadii yaa mar kale geeya!
Gumownaye ha noolaatadii yaa mar kale geeya!
Gumownaye ha noolaatadii yaa mar kale geeya!

W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (Al-Makhiri)Email: mabdalle@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle