TIIRAANYO QARAN
FADLAN NALA WADAAGA GABAYGAN
WT. Maxamud Axmed Cabdalle (Al-Makhiri)
May 24, 2012
Email: mabdalle@gmail.com
HORDHAC: Dhammaan ummadda Soomaaliyeed salaan baan halka uga dirayaa, Gabaygan TIIRAANYO QARAN—TABO MAAMMUL GOBOLEED MIYAY TALO QABIIL KEENTAY? Waxa igu kallifay markaan arkay xaaladda dalka Soomaaliya ku sugan yahay maanta, siiba Maammul Goboleeddada Soomaaliya look ala jarjarayo.
Waa farriin ku socota Soomaali meel kasta oo ay joogto. Afeef: waxan ku soo qaatay gabayga taariikho dhacay, ee marna igama aha inaan cid aflagaaddaynayo. Akhris wanaagsan. Mahadsanidin.
Wuxu Yiri:
Waxan tebey bulshada uma tebsheen tay temmediyaane
Mana toosiyeen meerisyadaan ugu tiraabaayo
Tusmadana ma raacsheen sidii ehelu tawxiidka
Haddaan Eebbe tiisa igu ladhin kuma tayiiseene
Iga tuunsha waataad murtida tiirka u ahaaye
Toddob da’ay sidiisoo kalaan tibibixleeyaaye
Toomaha ha gaadhiyo warkani taagga Ceeriyahee
Boorama tilmaan haw noqdiyo Saylac taalladiye
Tubtu waa Hargeysada halkuu Timacaddoow yiillee
Burco hawgu taaheen warkaa Tuhunla’aaneede
Sool taako-taako iyo qoys ha ugu tiileene
Durba haw tafoo laasqoriyo Teedka Bari aaddan
Talaadaha Garoowiyo Nugaal Taarku haw tago
Gaalkacayo toon Lagu shiriyo Mudug ha taabteeye
Galguduudda beeshii taxnayd tahan ha saameeyoo
Tiiraanyo Hiiraan gashiyo dhiillo haw taro
Xamar aaladaha toosiyaa ha u tallowsheene
Tabaalada Markiyo Jawhar subax ha u tafsiileene
Baydhabo ha tabantaabsadoo Gedo ha taageerto
Ha u tarantarreeyee warkani tan iyo Kaambooni
Shabakadaha ha isugu tebsheen toban malaayiine
Afartaa intaan ta’da ka deyey tiir Ma qabadsiiyey?
Sahankiyo tilmaantii miyaan taana ka habawshey?
Toobiyaha codkii tiirri gabay toy ma ku hagaajey?
Ma labaantan bay taagantahay turug Habaas weyn leh?
Ma tanaad daryeelliyo dalbaa taani laga dhaarshey?
Ma ragbaa takoorimaha iyo tuurta laga fuulay?
Ma tafooley bay wada noqdeen tacab qasaarkooda?
Tumbulkaa Zenaawi ah miyaa wada tallaabaaya??
Tilmaamaha maways kaga midbaa tiilka madaxweyne??
Tawdhaq iyo liid tiimbaraha tiisa ugu jiida
Ma tafaafuleen qarankayagii teero dhiganwaagu?
Maandeeq taharahoo engegey taana Ma u joognay?
Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
Afartaa ta’dii gabay miyaan tiirka ka habowshey?
Wexeer igu tallaalani qalbiga Ma idin tiiraamay?
Ma taftaafay boogtii xogbaan tiixayaa weliye?
Soomaalaay tol baas haybiyaay tooggo kaa maqane
Tafaraaruq badaneey adaan tii san garanayne
Talo urursan iyo qaranimadii tuuray waa hore eh
Adigaa qabiil tamar bidoo dawlad taabicine
Goortaad kun magac Oo tayala calammo taagtaagtey
Goortaad tanaa tayda iyo qola-qolaw tooxday
Ku taxaabyey cadawgii kolkaad tudho Aqoon weydey
Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
Lagu tacab qasaar odayadii Taabay dhaxalkiiye
Talo kuma heshiiyaan haddaan gaal tukubinayne
Inta taashka madaxweyne xidhan waaba tirabeele
Nacas waliba taab meel kolkuu Reer ku taagsadaye
Shabaab toorabooriyo ka yimi teroris hoygiisa
Argagixiso tii Qaacidiyo taliyey beydgaabe
Soomaali waxa tacaddi iyo tabalo loo geystey
Taqa beelku waa Waxa qalbiga iga turxaamayne
Sida aar tabaadiya miyaan taaha damin waayey?
Tammootida gurboodkii miyaa taalla dhinacayga?
Ma toolmoontii dihataa ilmadu dhabanaka tooraysay?
Taageero li’day miyaan tiicay Sida weyda?
Hadba turunturrodkii miyaan tog iska qayraanshey?
Tashigii miyaa laabtu gocan leebka igu taagan?
Tunka jare inlaygaga xidhana Ma u tar Hayn waayey?
Sogobyada la toodimay miyaan tooda liqi waayay?
Sida boqor bahdii cadowgu tiray madaxa maw taagey?
Maanaa Amxaar ii tashaa Tiger baan ahaye?
Tortorlaha Tigree maanigaa tuuga Erateerka?
Toxobleey Afriikaan miyaan amar ka tuuntuumin?
Taan geyo tan cadow doonayiyo tii Rabbi u qaybshay
Tallanka iyo dood uun miyaa maanka iga taabay?
Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
Afartaa intaan Ta’da ka deyey tiir Ma qabadsiiyey
Toobiyaha miyaan maansadii taani ka habowshey?
Ma tilmaamay boogtii xogbaan tiixayaa weliye?
Adduunyadu tanaad iyo wacnaan tiigsimaad malehe
Nin waliba tagoogtiis kolbaa hugu ka tuurmaaye
Rag tun weyn lahaan jiray dunida Oo tirmaa jiraye
Taariikhihii hore cilmaad ugu tegeysaaye
Tashi Aadan iyo Jaamac Nuur seegay Lagu taabye
Waxa laysu tebiyaa geddii loo tummaatiyaye
Shaloon taag lahaa Talo mahayn taashka waan sidaye
Maantoo talada aan hayana tamar la’aantay dheh
Tiraabkiisii baa Ina Galaydh kuu tusaala ahe
Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
Taariikhdu buug weeye Aan laga tallaabayne
Taxanaha xusuustale haddaan tiro ka soo qaato
Ninba kaydka Waxa loogu tiray baa u taal abide
Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
Sida baarqab toojada gugii taani Lagu qoojey
Dawaaddoo tikhiyo kuruska Oo tahan ka dheeraaday
Dhebiduna tarriiqyaysayoo duudka kaga teeday
Doobbada kolkuu tuurayna tays onkoday mooddid
Raggii turuqa sheegtee tollaay shalay ku taamaayey
Waxay Tamara lahaayeen Raggii qolo ku taageeray
Qarannimadii toosnayd Raggii tiirarka u siibay
Nimankii amxaarka u tu’shee toogtey sharafteeda
Nimankii hub talantaalliyiyo taangiyada doontay
Talaala’ayda qaylada Raggii ubadku toosaayey
Afka waxay ka soo tuurayeen Tiraba Guubaabo
Maansada turaabkaa ka badan Nimankii tookhaayey
Tanna dunida Yaa maali jiray tacab ku dhiibaayey
Kolkay tay gallaafteen dhacdoo waaqla la istaagay
Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
Comments
Post a Comment