AARKII QARANKEENNA- GEERIDII CABDIRISAAQ X. XUSEEN

W/ Tiriyay: Maxamuud Axmed Cabdalle (Al-Makhiri)
Waa gabay aan tiriyay markii aan ka war helay geeidii naxdinta lahayd ee ku timid Alle naxariistii Jano ha ka waraabiyee marxuum Cabdirisaaq X. Xuseen.
Kolka uu halyey iisho oo iilka lagu awdo
Ehel iyo xigaaliyo asxaab waw ayaan mudane
Ajasha iyo geerida ku timid aarkii qarankeenna
Udub qaran Cabdirisaaq ninkii aad garanaayey
Urugiyo xanuun bay u tahay oof-wareen galaye
Arladeeda Soomaali weyn waw ahiyo waye

Mugdibaa na awdoo qalbigu waa na oogsadaye
Eebbow albaab baa ka jabay ehelkii Soomaale
Niman eexdu saamayn qabiil lagu adeegtaaye
Afar iyo tabnaadbuu ahaa geesi fool adage
Tiirkiyo afaafkuu ahaa qaran asdayntiise
Insaan eebbihii caabudoo eed kadheer abide
Astaantii midnimaduu ahaa odaygii Soomaale

Arbihii Cabdirisaaq Alloow yimi agtaadiiye
Adaa oofsadoo aadamaha malag ka oolsiine
Irridaha fardowsaad allow geli addoonkaaga
Eebbow dunuubtiyo ka maydh dunida eeddeeda
Waanaduu ikraankiis na faray nagu anfaac guulle
Allow ururi Soomaali waa sidan ugaadhiiye
Eebboow arwaaxdeeda qumi aammin naga yeelo
Eebbow duryaadka u aflaxay iinta ka ilaali
Alloow noo adkee oodda way uubtay taladiiye

Maxamuud Axmed Cabdalle (Al-Makhiri)
Email: Mabdalle@gmail.com
Email: Mabdalle@gmail.com
Comments
Post a Comment