JUBBALAND IFTIINBAA KA BAXAY(Al-Makhiri)
Dhammaan waxan halka salaam uga diraynaa bulshada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan gaar ahaan dadweynaha Jubbooyinka. Gabaygan kooban Abwaan Shiine wuxu ku bogaadinayaa dhowaan dawlad goboleedka laga hirgelin doono gobollada Jubbooyinka, iyadoo hadda maammul KMG ahi gacanta ku hayo. Akhris wanaagsan codkana naga suga dhowaan.
Jubbaland iftiinbaa ka baxay jiiray dunidiiye
Jidka toosan waataa martoo maammulkii jiro’ e
Waataa rag jiidhkeed ahiyo jiil u soo kacaye
Jidka toosan waataa martoo maammulkii jiro’ e
Waataa rag jiidhkeed ahiyo jiil u soo kacaye
Jannadii Kismaayaa xoroon cidi jajuubayne
Jameecooyinbaa Gedo ka iman jeedha ehelkiiye
Bu’aalaa jamaammir ka bixi jaallow maalmahane
Jameecooyinbaa Gedo ka iman jeedha ehelkiiye
Bu’aalaa jamaammir ka bixi jaallow maalmahane
Dawladbaa u jaan go’an mardhow loo jirrabayaaye
Farxad buu jalbeebanahayaa aniyo jaadkaye
Waxan jeedinaayaa tixdii jawharta ahayde
Farxad buu jalbeebanahayaa aniyo jaadkaye
Waxan jeedinaayaa tixdii jawharta ahayde
Kol haddaan jidaasheeda galo jeenso ma aqaane
Jaa’ir iyo waxaan uga ducayn jaahil damaciise
Ka jahaasan cadowgii ka jira jab iyo baaskii dheh
Jaa’ir iyo waxaan uga ducayn jaahil damaciise
Ka jahaasan cadowgii ka jira jab iyo baaskii dheh
Dhaaxay jamaahiir hirdami jaarrun u ahayde
Jirrida iyo mooryaan dadcuni jirriqsanaayeene
Argagixiso jini joogtayoo jugux ka siiyeene
Jirrida iyo mooryaan dadcuni jirriqsanaayeene
Argagixiso jini joogtayoo jugux ka siiyeene
Allahayoow jarkii toosan mari maammulkay jamato
Khilaafkana jid uga yeel kolbay tolo janjeertaaye
Soomaalidu dhan ay joogto nabad jabad walbay gaadho
Eebbow maqfira jaa’isaan jeenyaha u taagney
Khilaafkana jid uga yeel kolbay tolo janjeertaaye
Soomaalidu dhan ay joogto nabad jabad walbay gaadho
Eebbow maqfira jaa’isaan jeenyaha u taagney
WT: Maxamamuud Axmed Cabdalle(Al-Makhiri)
Email: maash68@gmail.com
Email: maash68@gmail.com
Comments
Post a Comment