‘Guul Maakhir’

Gabaygan la magac baxay ‘Guul Maakhir’ waxa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalla (AL-MAKHIRI). Wuxu ku hal qabsanayaa Saalax Yuusuf Dabaraan. Gabaygu wuxu soo if baxay ka dib markii dhowaan laga aasaasay Maammul Dawladeed Gobollada Maakhir ee Puntland, Soomaaliya. Maammulkaas oo ka hirgalay Gobolka Sanaag, laakiinweli dhismihiisii aanu dhammaan dhanka Gobolka Haylaan. Gabaygu waa ‘Guul’ ka hadal iyo talo soo jeedin.
Wuxu Yiri.
Warka Saalaxoow soo gudbaye laysu wada geeyey

Ee Godanka Soomaaliyeed uunka wada gaadhay
Gallad baa inoo soo gashiyo seben galgaal khayre
Wax la yiri geyigii maammul baa loo guddoonsadaye
Maakhir gobolladeedoo dhanbaa gaar ismaamuliye
Buntilaanna loo wada gudboon magaca guudkaasee
Goortii yagleel loo kacaye gole la maamuusay
Badhan goolkii way dhalisayoo dawlad loo gunudye
Gobannimiyo sharaf bay dadkii libin ku gaadheene
Cabdullahi guushuu dhashiyo duulkii garab joogey
Allaylehe gundhige maammulkii gaafe calankiiye
Gobolkii Sanaag dawlad buu soo gelbinayaayee
Afartaa gudbaye xaajadii igu giriifaysay
Godankeeda Haylaan wixii laysla garan waayey
Gacaltooyadeedii bal aan uga dul geeraaroo
Dhahar baa gilgilan baan lahaa gobolka Haylaane
Guurtida ku nool baan lahaa way guntanayaane
Xilkii odayadii way gabeen gaarranaan jiraye
Gacalloow Siciid Shire halkuu talada goynaayo
Guul buu ka dhalin baan lahaa waase gaasiraye
Goldaloolo way muuqataa waana shay garaa ahee
Waxay gocan Buraan gacaliyoow goobtii laga sheegye
Xingalool ka guulmoo tashigii gebi dhac weeyaane
Sow gobolka inay wada dhistaan gari ahaan mayso?
Gungunnaaf shisheeyuhu dirtoo galabba meel jooga
Iyo guuldarraystaha ‘hunguri’ goob walba u taagan
GOONNI GOOSADKII baa hadimo soo gunaanadye
Abidkiiba gega-roorku Dhahar guul kamuu helo’e
Gaashaanka nimankii hayaa talada soo goyne
Inkastay ka gaabsheen marbay soo gadaal bixiye
Email:mabdalle@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle