Qabiil Waliba Madaxweyne

Maanso, Qabiil Waliba Madaxweyne, Maxamuud Cabdalle (Al-Makhiri) 2015
Email:mabdalle@gmail.com
Jiiftadan waxay cabbiraysaa loollanka siyaasiga ah ee Soomaalidu ku tartamayso sidii qabiil waliba kan kale uga sed bursan lahaa.
Wuxu yiri:
Qabiil waliba Madaxweyne
Waw qalmaa la yiriyoo
Qayl bay magcawdeen
U qorsheeya hawlaha
Qorka dawladnimadii
Quud lagaga raadshoo
U quwaaxsi taga oo
Qaaradaha meeroo
Soomaaloo la qaybsado
Waxba aan ka qabinoo
Qorshahay shisheeyuhu
Qabiltu ay yiraahdaan
Qalinka ugu duugoo
Qaa'innimo ku caan baxay
Calammada qalfoofka ah
Qiiradiisa reer hebel
Qasiiday ku qaadaan
Qiddad baa ku hoos naban
Qaranbaa la dagayaa
Qunsur baa la qodayaa
Xornimaa la qubayaa
Gunnimay ka qaayibi
Xaaraan qadhiidhiyo
Qawlayste bahaliyo
Qumaygaa arrimiyoo
Waw qaraaba kiilaan
Qaaxa lagu dil been badan
Shacab quustay hodayaa
Dalkan loo qarribayaa
Qaneecaad hadduu haray
Dantu ay qadhaadhahay
Laan Qadow ka lulatiyo
Waa qurub qabyaaladi
Qudhun yiri Rasuulkii (CSW)
Waxay qixiso mooyee
Qoys nabada waw cadow
Kala qaybin Soomaal
Ninna qiime gaariyo
Qurux kama helaayee
Qarannimadu waa shay
Ummad lagu qaddariyee
Boholaha qaniinkale
Qasri haw malaynina
Waw qalmaa la yiriyoo
Qayl bay magcawdeen
U qorsheeya hawlaha
Qorka dawladnimadii
Quud lagaga raadshoo
U quwaaxsi taga oo
Qaaradaha meeroo
Soomaaloo la qaybsado
Waxba aan ka qabinoo
Qorshahay shisheeyuhu
Qabiltu ay yiraahdaan
Qalinka ugu duugoo
Qaa'innimo ku caan baxay
Calammada qalfoofka ah
Qiiradiisa reer hebel
Qasiiday ku qaadaan
Qiddad baa ku hoos naban
Qaranbaa la dagayaa
Qunsur baa la qodayaa
Xornimaa la qubayaa
Gunnimay ka qaayibi
Xaaraan qadhiidhiyo
Qawlayste bahaliyo
Qumaygaa arrimiyoo
Waw qaraaba kiilaan
Qaaxa lagu dil been badan
Shacab quustay hodayaa
Dalkan loo qarribayaa
Qaneecaad hadduu haray
Dantu ay qadhaadhahay
Laan Qadow ka lulatiyo
Waa qurub qabyaaladi
Qudhun yiri Rasuulkii (CSW)
Waxay qixiso mooyee
Qoys nabada waw cadow
Kala qaybin Soomaal
Ninna qiime gaariyo
Qurux kama helaayee
Qarannimadu waa shay
Ummad lagu qaddariyee
Boholaha qaniinkale
Qasri haw malaynina
Email:mabdalle@gmail.com
Comments
Post a Comment