Hordhac: Gabayga Godobtii Baarliin iyo Gogol-Xaadh waxa tiriyey Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle (Abwaan Shiine). Wuxu ku saabsan yahay, hadimadii gumaystayaasha reer Yurub ka galeen dadka Soomaaliyeed Shirkii Baarliin 1884-kii ka qabsoomay, kaa soo geyiga Soomaaliyeed loogu kala qaybiyey 5 qaybood: Italian Somaliland, British Somaliland, NFD, Ogaden, Djibouti, iyo weliba Jasiiradda Socotra oo 80km dhul-weynaha Soomaaliya ka durugsan, xeeblayda Soomaaliyeedna manaafacaadsan jireen qarniyo badan. Gabaygu wuxu ka hadlayaa sida, gumeystayaashii, ka sokow kala qaybinta dalkeenna, ayni qaybihii ka xoroobey, helin xornimo taam ah, ee weli hagardaamadii oo si kale loo dhigay weli socoto–Afrika guud ahaanna gumaystayaashii iyagoo qaabkii gumeysiga beddeley, kursiga dal walba gadaal ka fadhiyaan. Wuxu gabaygu ka hadlayaa sida gobannimo doonkii Soomaaliya isu soo dabayaaley, haddana markii dambe labadii qaybood: waqooyi iyo koonfur ee July 01, 1960 ku midoobey Jamhuur...
Comments
Post a Comment