Gabay: Caasha-yar Kufsiga lagula kacay By: Maxamuud Axmed Cabdalla


Caasha yar kufsiga lagula kacay, kohasho weyn reebye

Kurbadiyo xanuunkii ka yimid, lala kadeednaaye
Ubad aan kalkeed gaadhinbay, kubada gooyeene
Ciil kawrar baa nagu dhiciyo, kacab caloolyowe
Xiniinyaha ka jabihii kufsaday, kaymuhuu xulaye
Gaalkacayo kurbootayoo, kawnka laga oye
Karkaarrada dulmigii soo jebshaa, kaabigaw yimide
Soomalida kawnkeer ku nool, ceeb la kuudude’e
Ficil aan caqligu keeni karin, koobi karin maanku
Waa karaama seeg waxa dhiciyo, kuuniyada waaye
Ubadkeenni oo bahalku kudhi, kaadsan kari weyney
Korka waalid waa kan u danqada, beer wax dhalay kaarye
Koob dhiigi ruuxuu ku jiro, kaba shallaytooye
Kibis go’e haddii aan qaban, gabanta kii aadshey
Oo aan nolosha lagu karin, cadliga keeno lagu geynin
Kiishkii dulmiga tani ka weyn, kadinka yiilyiile
Kariimkaan ku dhaartee, warkaa kiil kalaa xigiye
Cadaab kululi waa idin kor iman, kadab go’iinnii dheh
Qof Ilaah ka yaabaan tix gabay, kas ugu sheegaaye
Gaalkacyaay caddaalad u kacoo, kelebka soo saara
Oo Xaajadan kurbada beertay dhaya, xaqa ku aynshaada

WT. Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalla

Comments

Popular posts from this blog

Cali Samatar

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Gabaygan waa gabaygii Xaalad By Abwaan Maxamuud Cabdalle