Geeri waa ka daran yahay Kufsigu

Wuxu yiri:
- Gef weeyaan Kufsigu lagu galda’o gabadh xijaabnayde
- Guba Hooyo, gaasira Ayey, Habaryar goynteede
- Gabdhaheenna iyo taan dhalliyo caarka godobayne
- Kii geystey naar buu ku geli goobta aakhiro’e
- Ifkakan kaan lagaga goyn marbaa laga gudaayaaye
- Geeri waa kadaran yahay kufsigu Guullaa maanacayee
- Gudcurkii kuwii ugu gabbaday midan gugeed gaadhin
- Gaban xuura sebigii kuwii guudka ku xambaartay
- Sidii gaan Amxaaraad raggii gigayey jiidhkeeda
- Go’ayeeyda goortay ilmada gabax ka siinaysay
- Gollaheeda goortay maryaha gacanta saaraysay
- Nimankii garayskeeda jaray gooyey hilibkeeda
- Riximkeeda beynaad ku godey xididna gawsiiyey
- Waa geshashkii ciidammada gaadhka loo diraye
- Waa guduri tuutahaw gashaday gaade iyo boobe
- Mooryaan galluubtii kharribay goofkii Huriwaaye
- Meeday dawladdii goyn lahayd xaqa guddoonkiisa?
- Afartaa dareen guba naftiyo lama garaystaan dheh
- Gamas igu lignaadiyo mariid gaadhay feedha dheh
- Galiilyo iyo ciil gaaxdayoon laga garaabayn dheh
- Dhaaxay gumaad iyo xasuuq Xamar ku gaaleene
- Dhaaxaa gurbood iyo haween loogu gaalibaye
- Guudcaddaaga dhaaxaa la dilay oday garboodkiiye
- Girligaanku dhaaxuu ka ciyey gole nabdoonaaye
- Mooryaan gadooddiyo dagaal geeri badan keena
- Dagaal ooge guubaabiyo qolo ku guuraysa
- Goor iyo ayaan maatadoo gawrac lagu seemo
- Gafuurduub gacmaha goysa iyo golihii qaaciido
- Muqdishaay goleeyaay sharbaa kugu gadaannaaye
- Goodkiyo abeesadu aday kugu gabraartaane
- Nabsi soo gadaal baxa hadmaad godan barwaaqoobi?
- Goormaa wax garad kuu arrimin guuldarrada baaja?
- Goormaa caddaaladi galladi golaha qoyskaaga?
- Goormaa la soo qaban raggii gabanta naafeeyey?
- Waa geshashkii ciidammada gaadhka loo diraye
- Waa guduri tuutahaw gashaday gaade iyo boobe
- Mooryaan galluubtii kharribay goofkii Huriwaaye
- Meeday dawladdii goyn lahayd xaqa guddoonkiisa?
- Meeday dawladdii goyn lahayd xaqa guddoonkiisa?
Comments
Post a Comment