Gabay: Guurku waa Nasiino iyo Wanaag
by Maxamuud Cabdalle 2016
Guurku waa nasiiniyo wanaag kuu naruura ahe
Dumar taad ka naawili haddii calafku kuu nuursho
Niyaddiinu tay wada jirtoo neeftu la heshiiso
Sidii hal iyo nirigteed qalbigu waysu naaniyiyee
Nafaxaadka hore iyo jacayl nolosha waw doore
Kolkaad naadisee waalidkeed naasib uga doonto
Nasabkay ka dhalatiyo kolkaad xidididka naamuusto
Naamuunad wacaneey aroos aqal u naawayso
Iyadoo naqshado iyo xariir naba hillaacaysa
Nugta iyo durbaabjiyo ammaan lagu nuglaynaayo
Nafleyda iyo hoollabida iyo sacab nabiixaaya
Nawleeye maadhhiin kolkii lagu nawaaweeyo
Sengeyaal nadoodira xarrago lagu nayaayiiro
Niska hore habeenkii mashxarad nalalaw loo siiyo
Iyadoo nalaad mooddidoo nuurka iyo luulka
Neegneegsanaysaa rugtii lagu negeeyaaye
Naadada iyo fiidkii waxay kugu nabnaataaba
Neecaw udgooniyo kalgacal kugu nabaaddaaba
Dhar nadiifa, dahabkii waxay noocyo xidhataaba
Nafaqada gasiinkiyo nimcada waxad ka nuugtaaba
Naxli laabta kaa naafiyiyo nuxus illowdaaba
Nuxnuuxda sheekada waxay kuu nunnunibisaaba
Nudihiyo dareemmada waxay naafac gelisaaba
Adoo naashifoo galay hurdada naqas kusiisaaba
Toddobadu kolkay naasishee noloshii loo laabto
Nafaas hawsha loo helo adduun naqiyo baad geynta
Najma inay ahaatiyo midaan nadarba loo yeelin
Inay naaqus tahay ama marwadii kugu negaaneysey
Kolkaasaad nujubisaa xilaha naaficii galaye
WT: Maxamuud Axmed Cabdalle
Email: mabdalle@gmail.com

Comments
Post a Comment