Posts

Showing posts from 2015

Qabiil Waliba Madaxweyne

Image
Maanso, Qabiil Waliba Madaxweyne, Maxamuud Cabdalle (Al-Makhiri) 2015 Email:mabdalle@gmail.com Jiiftadan waxay cabbiraysaa loollanka siyaasiga ah ee Soomaalidu ku tartamayso sidii qabiil waliba kan kale uga sed bursan lahaa. Wuxu yiri: Qabiil waliba Madaxweyne Waw qalmaa la yiriyoo Qayl bay magcawdeen U qorsheeya hawlaha Qorka dawladnimadii Quud lagaga raadshoo U quwaaxsi taga oo Qaaradaha meeroo Soomaaloo la qaybsado Waxba aan ka qabinoo Qorshahay shisheeyuhu Qabiltu ay yiraahdaan Qalinka ugu duugoo Qaa'innimo ku caan baxay Calammada qalfoofka ah Qiiradiisa reer hebel Qasiiday ku qaadaan Qiddad baa ku hoos naban Qaranbaa la dagayaa Qunsur baa la qodayaa Xornimaa la qubayaa Gunnimay ka qaayibi Xaaraan qadhiidhiyo Qawlayste bahaliyo Qumaygaa arrimiyoo Waw qaraaba kiilaan Qaaxa lagu dil been badan Shacab quustay hodayaa Dalkan loo qarribayaa Qaneecaad hadduu haray Dantu ay qadhaadhahay Laan Qadow ka lulatiyo Waa qurub qabyaaladi Qudhun yiri Rasuulkii (CSW) Waxay qixiso...

U HUBSADA WADAADOW

Image
W.T Maxamuud Axmed Cabdalla (Al-Makhiri) 07/01/2011 Maansadan oo waano ah ku socota wadaaddada dagaallada ka wada geyiga Soomaaliya. Afeef: Maansadan cid goonniya oo lagu aflagaadeeyey ma jirto, waxay si hufan uga hadlaysaa wadcyiga dalkeennu ku sugan yahay. Maansadu waa nasteexayn iyada ayaa is fasiraysa, akhris wanaagsan. Wuxu yiri: U hubsada wadaaddoow Inta aan halaag dhicin Dadweynaha hanuunshoo Tawxiidka hodanka ah Ku hagaaja khayrkoo Idinkoo u hawl galay Himilada u daaddega Heeryada gumaystaha Hinjin maayo qoriguye Haasaase gobannimo Jihaad waxad ku hanataa Kolka ay habboontee U hubsada waddaadoow Inta aan halaag dhicin Hayalkiyo maslaxaddiyo Hilow iyo walaalnimo Ma huraan dadkeeniyo Soomaali waa hayb Waa hilib ku wada yaal Lafta dhabarka haysee U hubsada wadaaddoow Inta aan halaag dhicin Culumada horseedka ah Haaraanka lagu falay Hadimada qarsoon iyo Hebelkaasi waa gaal Murtad weeye halis wada Hal karaanle maahee U hubsada wadaaddoow Inta ...

MUQDISHO

Image
Maanso: MUQDISHO -W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (Al-Makhiri) Email:  mabdalle@gmail.com abdalle9@hotmail.com 12/07/2009 Halkan ka dhegeyso Gabayga…. (mp3) “Muqdishaannu doodnoo, madhax reeba bay tiri…anna mooyi baan iri, mawlaha dugsaan iri, midigtay go’day tiri, oohin baan la miirsaday,” Maansadan waxan curiyey ka dib qaraxyadii dhowaan ka dhacay Muqdisho mar aan indhaha ku dhuftay fiidyow naxdin iyo argagax igu reebay. Iyadoo dhibaatadu in badan soo jiitamaysay, ayaa haddana xaaladda imminka Muqdisho ka taagan u muuqataa meeshii ugu xumayd. Waxay maansadu ku timi, xusuus aan dib ugu laabtay wakhtigii aan iskuulka Muqdisho ka dhigan jiray iyo beri samaadkii. Quruxdii iyo shacnigii ay lahayd Muqdisho xilligii iigu dambaysay ayaa maskaxdayda ku shaabbadaysan. Waxan xasuustaa maalintaan Somali Airlines aan ka soo raacay Muqdisho oo ahayd April 13, 1988; diyaaraddu markay nala kacday, waxan hoos u jalleecay dalkaygii hooyo meeshii ugu qurux badnayd. Waa Muqdisho oo sidii lag...

Somali Doona

Image
Sannadda 2015 Soomaaliya weli waxay cagta ku haysaa waddadii burburka, waxad mooddaa ninba ninkuu ka liitey inuu hoggaanka uga horreeyo. Gabaygan Soomaali Doona abwaan Maxamud Axmed Cabdalle (Al-Makhiri) wuxu u ka tiriyey wadciga waddanku ku jiro dhegeysi wanaagsan.  Waa seben damiirkii dhintoo lays dirqiyayaaye Waa seben ninkii daacadihi xil u dareerayne Waa seben dunjigii magaca iyo dooxmay sharafkiiye Waa seben la dhalan doorsamooy daafta wada taalle Waa seben dayuus kii ahaa derejo haystaaye Waa seben dariiqooyin iyo diin collow tahaye Waa seben dubaakhiyo caqligu doollarkii galaye Waa seben hablihii dahab ahaa dereggu haystaaye  Waa seben dillaal iyo mallaal diiraddow sido'e Waa seben dareen midan layn daadahayn qarane Waa seben kun calan oo darxumo loo diyaarsadaye Waa seben Afrika daaman weyn loo ammaan diraye Waa seben imaarado dayacan dawlad loo bixine Waa seben Nicolus Kay dalkaba diiqa weyn yahaye Waa seben dadkeedii xeryaha deyrar loo dhigaye Waa seben dalkeed...

GUUBAABO QARAN...

Image
W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (Al-Makhiri) Email:  m abdalle@gmail.com 10/31/2006 Faafin: Nov 5, 2006 Hordahc: Gabaygan la yiraahdo GUUBAABO QARAN, kaasoo ka hadlaya xaaladda guud ee dalka. Maaddaama lagu ogaa abwaanku inuu bulshada tusaaleeyo, waxan halka kaga qisoonaynaa horay iyo gadaal wixii waddanku soo maray iyo weliba saadaal xagga mustaqbalka ku aaddan. Akhris wanaagsan.  Afeef: Gabaygan la magac baxay GUUBAABO QARAN waa mid xambaarsan ulajeeddooyin badan, kana duulaya waqtiga haatan waddankii ku sugan yahay. Qofkii raba inuu faallo ka bixiyo ama wax naga weydiiyo, waxan jecelnahay inaanu ku degdegin oo marka hore si fiican gabayga u dhuuxo/fahmo. Mahadsanid.  Wuxu yiri: Goonlaha libaax wax badan garab ku taagleeyey Gabow uu haleeloo gadhkiyo godaya lawgiisa Oo gooni socodoo beryahan gabay itaalkiisu Ay gaaja kala qaartayoo gibil madoobaadey Oo goodirkii iyo ka qaday geriga jiidhkiisa Gawskiisa hilib uu geshaa bilo kusoo gaadhey Hadba wuxu ya...