Posts

Showing posts from 2020

Gabay Xiiso Leh: DHAMAMAX WAALID– WT. Maxamuud Cabdalle

Image
 12/24/2009 Dhibaatooyinka Soomaalida ka haysta qurbaha waa kuwo aad u laxaad weyn, haba ugu sii darnaadeen dhaqan gaddoonka ilmaha soomaaliyeed ee qurbaha qoysaskoodu ku sugan yihiin. Waxan booqasho ugu tegey 12/23/2009 reer soomaaliyeed oo aan deris ku nahay magaalada Seattle, ee Goblka Washington ee dalka Maraykanka. Odaygii reerka iyo hooyadii aqalka ayaan la kulmay, waana isoo dhoweeyeen. Sheeko iyo shaah cabbid, dalkii iska waraysi iyo faallayn ciidaha gaalada ku saabsan ayaan gallay. Waxan aad ugu dheeraannay sidii reerku ku yimaaddeen Maraykan oo odaygu iiga sheekeeyey. Jabkii, qaxii, dhibaatadii, guri la’aantii, gaajadii, cabsidii, yahoonkii, harraadkii, silicii, halistii iyo baaxadsoorihii ay soo mareen ka hor noloshooda qurbaha. Ilaa dhawr saacadood baan la joogey, anigoo si fiican u dhuuxayey oday Yuusuf iyo Eeddo Maryan sheekadooda. Maray xoogaa fiid sii gabaabsiya ahayd, ayaa waxa irridda aqalka ka soo gashay gabar dhallin yar, dhuuban, dheer, asturan, gacantana ku ha...

Gabay Dastuurkaa Mahiiga By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Image
  July 26, 2012   Hordhac: Dastuurka la rabo dhowaan in si xooga lagu marsiiyo Ummadda Soomaaliyeed abwaannadu maxay ka yiraahdeen? Akhris wanaagsan.   Dastuurkaa la dhoobdhoobayee Mahiiga soo dhiibay Waa dhaxal wareeg ubadkayaga lagu dhibaatayne Dhulkayaga ninkii muran geshoow diidnay dhinacaaga   Odayadu dhambaalkay direen waa mid dhumuc weyne Dhaliishii aqoonyahannadaa weliba sii dheere Ninkii diintayada dhalan rogoow diidnay dhinacaaga   Dhaddig iyo labood wax u dhaxayn nooma dhaadhicine Dhaqammada la soo waaridiyo dhagarta hoos taalla Dhafoor taabashada laasimoow diidnay dhinacaaga   Dhalashada shan sano uun ku hano dhab u degaan weeye Wax loo dhaarin Madaxweynanimo talada loo dhiibo Kii wacad shisheeye u dhigtoow diidnay dhinacaaga   Dhudhummada midkii laga qabtee dhacay masaakiinta Ee dhugux ka siiyee malyaan dhururi gaadhsiinin Ee weliba xil u dhololayoow diidnay dhinacaaga   Cadowgii dhulkaygii kol hore dhinaca loo gooyey Maantana badday ...

Gabay Jinsiyadda Soomaaliya, Yaa Soomaali ah WT Maxamuud Cabdalle

Image
Gabaygan uu tiriyey  Maxamuud  Axmed  Cabdalle  wuxu ku saabsan yahay Qodobka Jinsiyadaha ee lagu muransan yahay ayuu ka hadlayaa. Yaa Soomaali noqon kara ayaa bulshada loo soo bandhigay iyo in 8 sano dhalashada Soomaaliya lagu siin karo ajaaniibta soo buux dhaafisay dalka intii 25-ka sano ahayd ee dagaallada sokeeye?  Tixda iyana ku xigta waxay ka hadlaysaa colaadda qotada dheer ee inoo dhaxay imbiraadooriyadda Xabashida iyo Soomaalida hadda daba ordayaan waxay daarran tahay. Tixdan waxa la yiraahdaa "Amxaarada ninkii aamminow adiyo yeelkaa." Dhegeysi Wanaagsan. Mahadsanidin. Wuxu yiri:  Dastuurkii sitiinkii (60-kii) la qoray bay sargixayaane Soomaalinnimo muran la gelin saaka lagu baaqye Sinjiyaaba lagu soo dardari sumad la'aaneede Gabdhihii sadhoobee ajnebi siiyey hilibkooda Ee seeddi Chinese-ah iyo Samoan noo keenay  Saancaddaale gaaliyo Hindiga sebiyadoow qaaday  Suunqudhmoone Keenyana iyo Xabashku aasooleey Iyo nimanka seeraha gudbee saylad ...

Gabay Axmed Samataroow By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Image
GABAY   PROFF. Ahmed Samatar ku socda ka dib markaan arkay habowga professor-ka ku aaddan Midnimada Soomaaliya Gabayga magaciisa waa AXMED TALA SEEG:  ku lammaan halkan. Axmed Samataroow maalinbaad seegtay taladiiye Soomaalinnimadii adaa siistay derejaade Sariibadaha lagu qaybiyiyo doortay surin baase Qarannimo adaa soodhka daray saydhay halistiiyee Shalay waxad ku socotiyo waxaad maanta sudun moodi Caqligii malaha saaxi qaba waa ka selelaaye Hiil-qaran su'aalbaa ka timi salaw la meerkiiye Saadadii halyey kuu qabtaa sabab is weydiine Sumcaddii adaa sarriftay iyo saajacnimadiiye Subax qudha haddaad weydayoo saahid kula doonin Sallaan damucu kuu diray haddaad sare geyoon weydey  Tartankii haddaad siibatoo saqafku kaa meeray Salfudayka qaarkii kol baad sahan habowdaaye Sakatigu kolbuu kuu dantahay saawsaawaduye Salaq dhabadka maahayn inaad sumucyo tuurtaaye Soomaali kala qaybinteed subuc ku qaaddaaye Inaad sumo walaaqdaa da'daa waa gef sina weyne Bal sarriigo odaybaad ahayd ...

GABAY DIIRATO BY MAXAMUUD CABDALLE

Image
Da'da gabay ma deyn karo nimay boogi damaqdaaye Dabku kama bakhtiyo meel cadliga daacad loo yahaye Dibnahaa kolkii aan u furo wayga soo degiye Sidii Weli u diiraan xaqii dabada haystaaye Rabboow dacarta goortaan fasaxo derejo ii dhaafi Kolkay doqoni talisaa nin raga iilka loo diraye Axmed Daahirkii aan iqiin duni hadduu haysto Xeer Ilaalin iyo dawladnimo loogu daba joogo Allaylehe dalkii dalow ka ride dubato mooryaane Faaraxaan dugsiga wada tagnee abid dammiinkii ah Wiil-door haddii uu noqday oo derejo weyn haysto Daabaantii Soomaali waa dayradoo kale'e Daa'imada Ina Sheekh inuu madax ku daanshoodo Ciqaab durugtay weeyiyo nabsiga diga roggiisiiye Soomaalidu dulmigay mudatay iyo dakharradii gaadhey Dillaal iyo mallalkii dagiyo tuugo dabinleyda Waa looga sii daray dhibkii daadunshoo rogaye Afartaa sidii dirir onkodey duni ma saameelay Sida roob dinnaagale miyaan ugu dinnaahyeeyey Guuxiyo dabayshii miyay diillintu isgaadhey Dabuubtayda meeshaan la rabey diirad ma u saaray Xama...

Gabay Umul Baa Illowda By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Image
  Qisada gabaygan waa qiso dhab ah oo jacayl, cibra qaadasho iyo tusaale abwaan.  Ummul baa illawda’e dhalmada eelka dabadiise Uuluufaadka bani’aadamkee dunida oolaaya hadday hooyo aar gudan lahayd maba abuurmeene   Gabadhyahay ayaantii kalgacal amarku ii geeyey ee aan awaytiyey wanaag waan ku aamminaye Walaaleey Ubaxa waad ogayd iba furkiisiiye   Afrikiyo dhankaa dumarka jira yurub ardaageeda Ameerikada ooddaa sariyo Eeyshiyada hoose Ustareeliyaankiyo hablaha aartikada buuxa Inankaleba oon iima hayn adiga mooyaane   Ogoobeey ayaanlaay waxaan kuugu ulanaayey ugub weeye Soomaaliyeed joogta awdalane Umalkiyo dhibkaagii wax badan waan la oogsadaye   Waataan asluubsaday idday  garasha aadkiiye Inkaloo daryeeliyo wixii ani itaalkaya Waataan tacliintiyo ku iri alifka raacdeeye   Goortaad abraartaye I tiri orobba aan aado Waataan axdiga dhigannayoon oodda kaa rogaye Abaalkaasi inuu dumi berriba ma aan ilhaamayne   Aheey barasho waa lagu hodmaa malah...

Gabay Dalkeennii la kala Qaybshey By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Image
  Dalkeennii la kala qaybiyee cadowga loo qayday  Qaadan waa awoogeen amxaar qurub la siiyaaye  Qarqarsiga ka dirir iyo anaa qaabbil kuu taline  Maantoo qudhiisii xabaal lagu qarqooreeyey  Weli qoonti way taagan tahay quudhsigii shalaye  Qaxar iyo dhib nagu soo kordhiyo qolada mooyaane  Qoodh dirira kama uu dhammaan qaranka soomaale  Qormo oo qaddaru eebbahay kaare kala qaaray  In la qalo ninkii dhiqi jiray yaan ku qaanicine  Dabbaax baa mindida kula qadhqadha qaalinta irmaane  Qasdigoodu ba'anaa kuwaa qurus ka doonaaya  Qaabaanqabtiyo beelyadiyo haaddan qananaysa  Waax qadhiidh dillaaloo geyiga qarab kaloow dhiiba  Dhulka sumo ku qaya oo baddii qalin ku iib geeya  Qorshohoodu socon maayo oo ways qatalayaane  EEbbow qarkay maanta taal qadanka soo meeri  Soomaalidaa kala qubane qoysba dhan u jeedo  Qaraabada isugu keen allow qaabad nabadaysa  Qarankeenni soo celi aallow qaaddirbaa tahaye! WT: A...

Gabay Ina Farmaajow By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Image
Waa dhab oo weliba waxyaabo ka fool xun baa dhacay, horena u dhici jirey. Su'aashu waa maxaa lagaga tashan karaa? Gabaygii booqashadii Farmaajo waxan ka idhi: Miimka  gabay  murtidada hadalka waa lagu macneeyaaye Haddii aanu maankiyo ka iman garasho miisaanle Waa maanac iyo shaani aan meel u daadegine Masjidada badhbaan laga addimin ina Farmaajowe Muslinka iyo munaafaqaa beryahan lagu murmaayaaye Muxibbada midbaa beena oon kuu milgo ahayne Musuqmaasuq Soomaali waa meheredadiiye Sayidkii markhaantiga u furay waana mahadshaaye Malkada iyo dhaantada walow lagu muquursiiyey Muraaqadiyo jiibtii walow lagu maggowsiiyey Maandhow mid kugu daw ahayd meeshi laga waaye Hoygii midnamadee Sanaag, Sool oo magac weyn leh Kol haddaadan soo marin halkay sharafi kuu maaxday Allaylehe inadan miigganayn waa mid la hubaaye Mudug way ku sugi dunida qaar kuu mucaarada'e Walow aanan miidaamo cadow maandhow kula doonin Maqaamkeedii qarannimadu waa soo madow yahaye Bal isgaro mudane booqashadu maaha ta...

Gabay Godobtii Baarliin By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Image
  Hordhac: Gabayga Godobtii Baarliin iyo Gogol-Xaadh waxa tiriyey  Abwaan  Maxamuud  Axmed  Cabdalle (Abwaan Shiine). Wuxu ku saabsan yahay, hadimadii gumaystayaasha reer Yurub ka galeen dadka Soomaaliyeed Shirkii Baarliin 1884-kii ka qabsoomay, kaa soo geyiga Soomaaliyeed loogu kala qaybiyey 5 qaybood: Italian Somaliland, British Somaliland, NFD, Ogaden, Djibouti, iyo weliba Jasiiradda Socotra oo 80km dhul-weynaha Soomaaliya ka durugsan, xeeblayda Soomaaliyeedna manaafacaadsan jireen qarniyo badan. Gabaygu wuxu ka hadlayaa sida, gumeystayaashii, ka sokow kala qaybinta dalkeenna, ayni qaybihii ka xoroobey, helin xornimo taam ah, ee weli hagardaamadii oo si kale loo dhigay weli socoto–Afrika guud ahaanna gumaystayaashii iyagoo qaabkii gumeysiga beddeley, kursiga dal walba gadaal ka fadhiyaan. Wuxu gabaygu ka hadlayaa sida gobannimo doonkii Soomaaliya isu soo dabayaaley, haddana markii dambe labadii qaybood: waqooyi iyo koonfur ee July 01, 1960 ku midoobey Jamhuur...

Gabay Nimca Qorane Waxa Loo Qabsaday By Abwaan Maxamuud Cabdalle

Image
Nimca Qorane waxa loo qabsaday qaran ha faallayne Qabbir jeela waxa loogu ridey qiima dheerida'e Qorshaha Goosatadu dooni baa lagu qasbaayaaye Jidhdilka iyo qamuunyada la baday waan qandhanayaaye Qummaati uma ledin xalay kolkaan helay qabaarkeede Qalbigaan ka murugoonayaa waan qadhqadhayaaye Qisadeeda ruuxaan ogeyn waw qallidayaaye Muuse Qawlal baan qaafka  gabay  u qaddimaayaaye War waa cawro waxad qaawisoo qalatay Maandhow dheh Waa gabadh qaraabiyo xigta ah waxad qardoofayn dheh Ciidagalaha qawqaba hadduu kuu quturan waayey Oy qoofayaan odayadii qabey wanaaggeeda Faysal uu qalaad daayey oo qiil u bixin waayey Qamaammiir u hiillama hadday xaajo qumin weydey War waa cawro waxad qaawisoo qalatay Muusoow dheh Waa gabadh qaraabiyo xigta ah waxad qardoofayn dheh Dumar taad qabtaa laga maslaa qaalidaad korin dheh Tii uurka kugu qaadday iyo hooyo qiimile dheh Muusoow ka yaab Qaadirkaa qool fur inantaa dheh WT.  Maxamuud  Axmed  Cabdalle

GABAY: HOOY! DAGAALKA JOOJAAY! By Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle

Image
  Wuxu yiri: Awel maanso waataan dabroo, doodeheed dhigaye Waataan afkiyo labada daan, aan dabool bidaye Goortay dadkeedii tageen, haatan damac beeshay Waataan dan uga baxay kolkay, noqotay deebaaqe Waataan daguug madhan is idhi, hawgu daakirine Eebboow xaluunbaan damqaday, oo dareen qaxaye Damiirkayga nool baa I yidhi, doono maansadane Dadkaygaa isdili baan wanaag, ugu dalbaayaaye Duullaanka Ramadaan la dumi, baan ka digayaaye Eeebboow colaadahakan dami, la isku dooxaayo Eebboow dulmiga kii wadiyo, daallinkaba dhaafi Daadaansi banu aadamaha, daaya laga waaye Eebboow xaqa u daalici xigtaa, laysku dirayaaye Afartaa dabuubtii murtida, deelka maansada dheh Diiwaan maslaxad lagu dhigiyo, degel nabdoonaan dheh Isu diirnaxiyo ehelnimiyo, daraf wanaaggii Dheh Dacwad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga Dulmi adiga oo waa tirsaday, kibir haddaa duushay Aad doontay xaajada dur iyo, daabacba u jeedi Fidno dabarka loo furay hadday, talada kaa daahdey Ogoobeey dembiga waxad ka noqon, der...