Gabay Xiiso Leh: DHAMAMAX WAALID– WT. Maxamuud Cabdalle

12/24/2009 Dhibaatooyinka Soomaalida ka haysta qurbaha waa kuwo aad u laxaad weyn, haba ugu sii darnaadeen dhaqan gaddoonka ilmaha soomaaliyeed ee qurbaha qoysaskoodu ku sugan yihiin. Waxan booqasho ugu tegey 12/23/2009 reer soomaaliyeed oo aan deris ku nahay magaalada Seattle, ee Goblka Washington ee dalka Maraykanka. Odaygii reerka iyo hooyadii aqalka ayaan la kulmay, waana isoo dhoweeyeen. Sheeko iyo shaah cabbid, dalkii iska waraysi iyo faallayn ciidaha gaalada ku saabsan ayaan gallay. Waxan aad ugu dheeraannay sidii reerku ku yimaaddeen Maraykan oo odaygu iiga sheekeeyey. Jabkii, qaxii, dhibaatadii, guri la’aantii, gaajadii, cabsidii, yahoonkii, harraadkii, silicii, halistii iyo baaxadsoorihii ay soo mareen ka hor noloshooda qurbaha. Ilaa dhawr saacadood baan la joogey, anigoo si fiican u dhuuxayey oday Yuusuf iyo Eeddo Maryan sheekadooda. Maray xoogaa fiid sii gabaabsiya ahayd, ayaa waxa irridda aqalka ka soo gashay gabar dhallin yar, dhuuban, dheer, asturan, gacantana ku ha...